DAAWO: Wiilkii yaraa ee shalay dadka ku laayey Maraykanka oo la shaaciyey dhib lagu hayey (Ciyaar-gacmeed cunfi ah oo uu jeclaa)

0

(Uvalde) 25 Maajo 2022 – Dilaa wadareedka Salvador Ramos oo shalay weerar ku qaaday iskuulkii uu dhiganayey ayaa la sheegay inuu ahaa mid dugsi sare ku dhacayey oo lahaa ‘dhaqan hujuumi ah’, kaas oo lagu caayi jirey faqiirnimadiisa lagulana maadsan jirey isticmaalka indho-kuusha.

Taasi waa sida ay u sharraxeen ardaydii ay isku fasalka ahaayeen iyo saaxiibbadii ay ka bixiyeen dilaagan da’da yar oo 18 jir uun ahaa, kaas oo laayey ugu yaraan 19 carruur ah iyo 2 macallin oo aan waxba galabsan toogashadii labaad ee ugu dhimashada badnayd taariikhda Maraykanka oo ka dhacday Uvalde, Texas, Talaadadii shalay, kahor inta aan lagu dilin toogasho dhexmartay isaga iyo sarkaal ka tirsan Ciidamada Roonadada Xadka.

Mid ka mid ah ardayda ayaa ku tilmaamay inuu sidoo kale carrab gajo ahaa taasoo sidoo kale ka dhigtay bartilmaameed, sida uu kasoo xigtey Washington Post, iyada oo ardaydii ay isku fasalka ahaayeen ay sheegayaan inuu u adkaystay aflagaadooyin fara badan oo ay ku jirtey kuwo lagu maadsanayo dharkiisa ama lagu tilmaamayo inuu ahaa ”laga roone.”

Arday kale oo ay isku fasal ahaayeen, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa hilinka CNN u sheegay in Ramos uu si ahaan xirxirnaa balse uu ciyaari jirey ciyaar-gacmeedka Xbox oo uu mar mar la ciyaari jirey, gaar ahaan wuxuu jeclaa ciyaarta toogashada ku dhisan ee  Call of Duty.

Bartiisa Instagram-ka ee oo haatan meesha laga saaray, Ramos ayaa la sheegay inuu soo wadaagay sawirka laba qori oo nooca AR15 ah iyo khasnad 3 maalmood kahor weerarkii uu ka gaystey dugsiga hoose ee Robb Elementary, halka qaybta bio-ga boggiisa TikTok ay ku qoran tahay: ‘Carruurtu ha baqaan irl’ (nolosha dhabta ah).

Inkastoo aan la ogeyn sababta ka dambeysey xasuuqan, mid ka mid ah dadka deriska la ahaa ayaa u sheegay kanaalka maxalliga ah ee Newsy inuu goob joog u ahaa Ramos, oo ka shaqeynayey Wendy’s, oo la murmaya ayeeyadii, isagoo ku andacoonaya inuu ‘ka careysan yahay inuusan iskuulka sare ku baasin oo aanu la qalin-jebin ardaydii kale’.

Waxa uu intaa raaciyey in ayeeyadii ay markaasi ku qaylineysey: ‘Wuu i toogtey, wuu i toogtey’, kahor inta uusan Ramos uusan gaarigiisa meel ku dhufan kadhor inta uusan billaabin dil wadareedkiisa, oo ay sidoo kale ku dhinteen labo macalin oo aad loo jeclaa, taasoo tirada dhimashada ka dhigeysa ugu yaraan 21.

Wiilkan yar ee weerarka qaaday ayaa markii hore la noolaa hooyadii oo hooyo iyo aabbeba u ahayd taasoo markii ay is fahmi waayeen uu u wareegey ayeeyadii oo uu shalay xabado ku dhuftay haatanna weli nool balse xaaladeedu halis tahay.

Hadalsame Media