Turkiga oo kashifay inay dhexda gashadeen Maraykanka & Ruushku (Sida ay wax u dheceen?)

0

(Hadalsame) 25 Maajo 2022 – Ururka argagixisada ah ee PKK iyo garabkeeda Suuriya ee YPG ayaa weli khatar ku ah Turkiga iyo Suuriyaanka ku nool aagagga u dhow xudduudda inkasta oo ay Maraykanka iyo Ruushka labaduba ballanqaadeen inay argagixisadan gaynayaan meel 30 km (18.6 mayl) u jirta xudduudda koonfureed ee Turkiga.

Turkiga ayaa heshiisyo gaar ah la galay Maraykanka iyo Ruushka oo ay uga fadhiyeen inay canaasiirta YPG/PKK halkaa ka saaraan xilligii ay Ciidamada Xoogga ee TurkigU (TSK) ay fulinayeen Hawlgalka Nabadda Guga, kaas oo woqooyiga Suuriya ka bilaabmay Oktoobar 9, 2019-kii.

Kaddib markii ay ballanqaadeen in kooxda argagixisada ah ee Kurdiga ah ee YPG/PKK laga saarayo meel 30 KM dhanka koonfureed ka xigta xuduudka Turkiga si waafaqsan heshiiskii la galay, Maraykanka iyo Ruushku waxay ku guuldareysteen inay oofiyaan ballamihii ay qaadeen 2 ilaa 1/2 sano kahor.

Booqashadii Turkiga uu xilligaas ku tegey Madaxwayne ku Xigeenka Mike Pence markii uu 8 maalmood galay Howlgalkii Operation Peace Spring, wuxuu ballanqaaday in kooxda argagixisada ah ay ka fogayn doonaan xadka, laakiin Washington, oo la shaqaysata kooxaha argagixisada ah markii ay cid kale u adeegsanayso, ma aysan fulin ballanqaadkaasi.

Ruushka ayaa sidoo kale ballanqaaday in kooxda argagixisada ah laga saaro Tal Rifat, Manbij iyo jidwaynaha M4 ee woqooyi-galbeed ee Suuriya, iyadoo la raacayo heshiis lala galay Turkiga intii lagu jiray Hawlgalkii Nabadda Guga, balse Ruushku isna ma fulin ballanqaadkiisii.

Argagaxisada YPG/PKK ayaa wali halis ku ah ammaanka gobollada nabdoon ee ​​woqooyiga Siiriya oo ay weerarro ka gaystaan. Kooxaha YPG/PKK ayaa inta badan weerarro argagixiso ka fuliya Manbij, Cayn al-Carab iyo degmada Tal Rifat ee Xalab.

Kooxda argagixsada ayaa xitaa gobolladaas u adeegsata saldhigyo ay weerarrada kasoo abaabulaan. YPG/PKK, oo haysta ku dhowaad ​​saddex meelood meel dhulka Suuriya iyaga oo taageero ka helaysey Maraykanka, ayaa inta badan bartilmaameedsada dhulalka Azaz, Marea, al-Bab, Jarablus, Afrin, Tel Abyad iyo Ras al-Ain ee woqooyiga Suuriya iyaga oo adeegsanaya hub culus oo ay inta badan ka heleen Washington.

Hadalsame Media