”Dab baad ku ciyaaraysaan!” – Shiinaha oo si caro leh uga jawaabey hadal kasoo baxsaday MW Joe Biden

0

(Bejing) 24 Maajo 2022 – Shiinaha ayaa Maraykanka uga digey inuu “dab ku ciyaarayo” kaddib markii uu MW Joe Biden sheegay in Washington ay doorbidayso inay difaacdo Taiwan haddii jasiiraddan uu soo weeraro Maamulka Beijing.

Xafiiska Arimaha Taiwan ee Golaha Gobolka Shiinaha ayaa Isniintii sheegay in Maraykanku “u isticmaalayo kaarka Taiwan” si uu u xakameeyo Shiinaha, laftiisana waa la gubi doonaa”.

Wakaaladda Wararka Xinhua ayaa soo xigatey afhayeenka Zhu Fenglian kaasoo sheegay in Maraykanku uu “joojiyo hadal kasta oo wax u dhimaya” mabaadii’dii horay loogu heshiiyey ee ka dhexeeyey Beijing iyo Washington.

Warka Shiinaha ayaa daba socda hadal kasoo yeerey MW Maraykanka oo ssagoo ka hadlayey Tokyo intii uu ku guda jirey safar uu ku marayay Aasiya, ku jawaabay “haa” aan mugdi ku jirin markii ay weriyeyaashu waydiiyeen bal in Maraykanku “uu ku lug yeelan doono ciidan ahaan” si uu u difaaco Taiwan haddii uu soo weeraro Shiinuhu.

Biden ayaa caan ku ah hadallo fooro baxsan iyadoo Isniintii shalay ay saraakiisha Pentagon ee Washington lasoo deg degeen jawaab ku saabsan in aanu is bedelin mowqifkii Maraykanka ee ku dhisnaa waxa loo yaqaan ”hal Shiine”, sida uu tilmaamay Wasiirka Gaashaandhigga ee Lloyd Austin oo warfidiyeenka kula hadlay Pentagon, waloow uu jeneraalka sare ee Mark Milley uu diidey inuu ka jawaabo wax su’aal ah oo ku saabsan difaacidda Taiwan haddii la weeraro.

Hadalsame Media