Maxaa u qorshaysan MW hore ee Farmaajo kaddib ka guurista Madaxtooyada Somalia?!

0

(Hadalsame) 23 Maajo 2022 – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta xafiiska ku wareejiyay madaxweynaha cusub ee la doortay, Xasan Sheekh Maxamuud. Laakiin dad badan waxay iswaydiinayaan tallaabada xigta ee uu qaadi doono Farmaajo.

Sida caadiga ah, madaxweynaha cusub waxa uu guda geli doonaa shaqooyinkiisa ku saabsan dhismaha dowladda, oo uu ugu horreeyo soo magacaabista Ra’iisul Wasaare, inkastoo wali aysan dhicin munaasabadda wayn ee caleema-saarka.

Balse waxaa muuqata in dhegta loo taagayo mustaqbalka madaxweynihii hore iyo waxyaabaha hadda la gudboon, maadaama uu maanTa si rasmi ah xil wareejin u sameeyay.

Haddaba kuwani waa afar arrimood oo ka mid ah waxyaabaha sida gaarka ah looga dhowrayo.

Xaguu dagayaa?

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu horreeya ee ay su’aashu ka taagan tahay waa halka uu saldhig ka dhiganayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shantii sano ee lasoo dhaafay hoyga madaxweynihii hore waxa uu ahaa madaxtooyada Villa Soomaaliya, isagoo hayay xilka ugu sarreeya dowladda federaalka. Balse hadda waxa uu noqday muwaadhin aanan haysanin xasaanaddii madaxweynenimada.

Tan iyo markii ay doorashada soo idlaatay, waxaa socday qabanqaabada lagu diyaarinayay guriga uu dagayo madaxweynaha ka tagay xilka.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi, ayaa warfidiyeenka u xaqiijiyay in madaxweynihii hore uu dagi doono dalka gudihiisa, dibaddana uusan u soconin.

Inkastoo aan faahfaahin buuxda laga heynin, waxaa lasoo tebiyay in Farmaajo uu kireystay guri ku yaalla waddada u dhaxaysa isgoyska KM4 iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle. Aaggan oo dadka qaar u yaqaanaan aagga qadka cagaaran, halkaas oo ay degenyihiin madaxdii hore ee dalka iyo kuwa hadda jooga qaarkood. Waa goob amnigeeda adagyahay, dadka caadiga ahna aysan galaangal u lahayn.

Xitaa qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah waxay shaaciyeen in guriga cusub ee Farmaajo uu horay u dagganaan jiray Madaxweyne dowlad goboleedyada ka mid ah.

Dhulkan oo ka sokeeya garoonka ayaa waxaa qeyb ka mid ah ku ooli jirey mac-hadkii tabobarka farsamada gacanta ee Jarmalka, balse sanadihii burburka kadib waxaa daganaa dad barokacayaal ah, kuwaas oo laga kiciyay xilligii dowladda ka horeysay tan Farmaajo.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Xigashada Sawirka, VS

Filashada taageerayaashiisa

Ka hor inta uusan Farmaajo noqonin Madaxweynaha Soomaaliya iyo markii xilka loo doortay kaddibba waxaa muuqday taageero xoog leh oo uu ku leeyahay shacabka Soomaalida.

Su’aalaha ay dadka la dhacsan fikirka iyo maamulka Farmaajo iswaydiinayaan waxaa ka mid ah nooca ay yihiin barnaamijyada uu ugu talogalay, maadaama uu hadda kasoo faraxashay shaqadii mashquulka badnayd ee hoggaaminta qaranka.

Ugu yaraan waxaa laga dhowrayaa in uu shaaciyo tallaabadiisa siyaasadeed ee xigta, ilaa haddana ma muuqdo wax qorshe ah oo ku aaddan in uu dalka ka baxayo.

Waxaase la xasuustaa in toban sano ka hor markii laga wareejiyay xilka Ra’iisul Wasaaraha, inta uusan madaxweyne noqonin, uu durbadiiba aaday qurbaha. Balse hadda maadaamaa uu dalka degayo, waxaa durba taageerayaashiisa ay is weeydiinayaan qaabka madaxweynihii hore uu u jihayn doono iyo barnaamijyada ay ka filan doonaan.

Xildhibaannimo

Sida ku xusan dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya, qof walba oo noqda madaxweyne rasmi ah oo aan kumeel gaar ahayn waxa uu xaq u yeelanayaa inuu xubin joogto ah ka noqdo baarlamaanka federaalka, gaar ahaan Golaha Shacabka. Xubintaasi oo ah xubin sharafeed.

Cid kasta ayaa hadda filan karta in Farmaajo uu kasoo muuqdo hoolka shirarka ee Baarlamaanka, si la mid ah xildhibaannada kale lasoo doortay. Waxaa xusid mudan in baarlamaanka ay ku jiraan illaa 110 xildhibaan oo isaga taageersan, lana dhacsan qaab hoggaamintiisa.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Farmaajo

Xigashada Sawirka, VS

Madaxweynaha hadda la doortay, Xasan Sheekh Maxamuud, oo horay mar kale xilka usoo qabtay ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay ahaa xildhibaanka kaliya ee haystay kursiga joogtada ah ee baarlamaanka.

Haddii uu Farmaajo soo xaadiro Golaha Shacabka, waxay noqon doontaa markii ugu horreysay ee isagoo xildhibaan caadi ah uu halkaas tago.

Laakiin lama oga goorta uu bilaabi doono inuu xildhibaannimadiisa dhaqan geliyo.

Mucaarad mise Muxaafid?

Kan waxaa lagu tilmaami karaa qodobka ugu wayn ee sharraxaaddiisa laga sugayo Farmaajo.

Habeenkii lagu dhawaaqay natiijada doorashadii xilka madaxweynaha ee uu ku guulaystay Xasan Sheekh Maxamuud, Farmaajo waxa uu goobta ka sheegay in uu Alle u baryayo madaxweynaha cusub si uu howsha ugu fududeeyo, isagana uu la shaqayn doono.

Maalmihii xigayba waxa uu madaxweynaha baddalay kusoo dhaweeyay xafiiska madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. Durbana waxaa muuqday in ay soo idlaatay xiisaddii siyaasadeed ee labada mas’uul horay uga dhaxaysay.

Soo dhaweyntii Xasan Sheekh

Xigashada Sawirka, VS

Afhayeenka madaxweynihii hore, Cabdirashiid Maxamed Xaashi, oo wax laga waydiiyay qorshaha Farmaajo, ayaa wareysi uu siiyay telefishinka Universal ku yiri: “Madaxweynuhu dalka ayuu joogi doonaa, markiisii horeba nin nabad doon ah ayuu ahaa haddana wuxuu noqon doonaa nabad doonkiisii, oo ah inuu umadda isu dumo iyo inuu mar walba ka shaqeeyo wanaagga.”

Waxa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in Farmaajo uusan kasoo hor jeedsan doonin dowladda hadda xilka kala wareegtay.

“Qorshaha marna kuma jirto wax mucaarad ah iyo wax arrimahaas ku saabsan, muhiimaddu waxay tahay in sidii uu markii horeba madaxweynuhu ku baaqay uu barbar istaagayo dowladda cusub iyo madaxweynaha cusub,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qudhiisa ayaa khudbaddii uu maanta ka jeediyay xil wareejinta kusoo hadal qaaday isla mowduucan. Waxa uu u muuqday inuu taageerayaashiisa ugu baaqayay inay la saftaan dowladda cusub.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan rabaa inaan uga mahad celiyo taageerada ay i siiyeen shantii sano iyo sida dhow ee walaaltinnimada leh ee ay noola shaqeeyeen. Waxaana rabaa inaan la dardaarmo oo aan ku dhaho waa inaad la shaqaysaan madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Doorashadii way dhammaatay, hadda waxaa la galayaa waqti shaqo, shaqada uu hayo madaxweynuhuna wuxuu u qabanayaa umadda Soomaaliyeed, sidaas darteed, aan ku garab galno, u midowno, ku taageerno, maxaa yeelay waxaan nahay dal kasoo kabanaya burbur aad u qota dheer,” ayaa ka mid ahaa erayada uu kusoo gabogabeeyay khudbaddiisa.

Madaxweynihii isaga ka horeeyay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed bilaabay labo sano kadib markii uu Farmaajo xilka joogay.

BBC

Hadalsame Media