Baro wejiga kale ee aan qurxoonayn ee milkiilihii Chelsea ee Roman Abramovich

0

(Hadalsame) 24 Maajo 2022 – Roman Abramovich oo 55 sano jir ah, waxaa uu hantidiia waxay ka soo biaabatay sanadihii sagaashamaadkii, xiiligii maax-wayne Boris Yeltsin. Sanaahaas oo dalku uu ku jiray kala-guur uu kaga baxayay hannaankii shuuciga ahaa oo wuxuu u guurayay hannaanka hanti-goosiga. Khalal abuurmay xilligaas kala guurka ahaa ayaa wuxuu haliyay in a boobo hantidii dalka.

Xilligaas ayuu Roman Abramovich wuxuu kamid ahaa raggii xaraashka ay ku soo galeen mu’sasaadkii dhaqaalaha oo dowladdu ay lahayd. Iyada oo loo marayo heshiisyo isdaba joog ah oo ku dhisan musuq iyo boob hanti dowladeed, ayaa sanadkii 1995-kii, isaga iyo nin la yiraahdo Boris Berezovsky, waxay sicir jaban ku iibsadeen shirkadda la yiraahdo (Sib-Neft), taas oo ahayd shirkad shidaal ka shaqaysa midda ugu yar oo xilligaas cusbeyd.

Boris Abramovich Berezovsky waa nin u dhashay Ruush oo Yuhuud ah, laakiin sanadkii 1990-kii qaatay mad-habta Ortodoogsiga ee krishtaanka. Wuxuu Astaan u noqdey boobkii ku dhacay hantidii dowladda Ruushka xilligii kala-guurka siyaasadeed. Wuxuu ku dhintey magaalada London sanadkii 2013-kii, isaga oo u geeryoodey sabab aanan la garanyn. Wuxuu dhintey isaga oo ah shakhsiyad dowladda Ruushka ugu xukuman denbiile wayn. Sannadkii 1995-kii, Roman Abramovich iyo Boris Berezovsky waxay danaynayeen kontoroolka shirkadda weyn ee saliidda ee Sibneft oo markaas xaraash ahayd. Dowladdu waxay dooneysey in ay shirkadeheedii ka yeesho kuwo si gaar ah loo leeyahay. Heshiisku wuxuu ka dhex dhacay barnaamij wayn oo la xiriirey deymaha iyo saami-qaybsiga. Barnaamijka wuxuu ahaa nadaam ay dowladdu ku bur-burineysey hannaankii dhaqaale ee shuuciyadda, isla-markaas waxaa dalka lagu dhisayay hannaan dhaqaale ee hanti-goosi.

In-kasta oo heshiisyadan ay ka dhaceen daahyo-gadaalkood, misana labadan nin (Roman Abramovich iyo Boris Berezovsky), waxay dallaalnimo ku heleen lacag gaareysa 100 melyan US. $. Iyagu waxay lacagtaas ka faa’iideen shirkadaha ay sicirka jaban uga iibiyeen. Lacag yar oo dhowr melyan ah ayay ku iibiyeen. Laakiin dadkii iibsadey oo shirkadda yeeshey, muddo gaaban waxay faa’iideen balaayiin doolar. Sare u-kaca xooggan ee faa’iidadaas waxay dhalisey tuhmad dib loogu laabtey qaabkii loo iibiyay.

Dhaqaal-yahanno badan oo dowladda u shaqeeya ayaa waxay soo jeediyeen, kharashka dhabta ah oo ay ahayd in shirkada lagu iibiyo wuxuu yahay 2.7 bilyan U.S$. Roman Abramovich qudhiisa, isaga oo London jooga ayuu qirtey arinkaas. Wuxuu sheegey in lacago balaayiin doolar ah ay laaluush u siin-jireen saraakiisha dawladda iyo kooxaha burcadda ah si ay u ilaaliyaan hantidiisa. Laga bilaabo 2000, Sibneft sanadkiiba waxay soo saaraysay 3 bilyan oo US.$.

Shirkadda Sib-neft waxay ahayd shirkadda saddexaad ee saliidda soo saarta ee laga leeyahay dalka Ruushka. Shirkaddaas ayaa waxay tahay mid hoos-timaadda shirkadda wayn ee la yiraahdo Gazbrom. Waxaa shirkaddii ku soo biirey ganacsade kamid ahaa xaaraan ku-naaxyadii ka hodmey xilligii is-beddelka maamulkii Soofyeetiga. Ninkan oo la yiraahdo Badri Patarkatsishvili (1955 – 2008) wuxuu isna ahaa ganacsade Yahuud ah oo u dhashay dalka Georgia. Isaga ayuu ahaa ninka ay dowladdu u wakiilatay iibinta shirkadda Sibneft. Sida aanu soo xusney wuxuu ku iibiyay sicir aad u jaban. Sanadkii 2012-kii, goor uu dhintey Patarkatsishvili, ayaa maxkamad ku taal dalka Ingiriiska waxaa dhaxal ku qabsadey milkiilaha naadiga kubadda cagta Chelsea ee dalka Ingiriiska Roman Abramovich iyo ninkii saaxiibkiis ahaa Berezovsky. Roman Abramovich waxay dalbanayeen lacago aad u badan oo ka raacay iibintii shirkadda Sibneft.

Qandaraaskii lagu iibiyey Sibneft dabadeed, Roman Abramovich wuxuu yoolkiisa ahaa in uu ku biiro ganacsatada Aluminium-ka. Maaddadan Aluminiumka ah ayaa xilligaas waxay gashay ciriiri. Shirkadaha soo saara iyo kuwa sifiiya oo ay yeesheen saamiley reer galbeed ah, ayaa ku taajiray hantidan ceyriin ee jaban. Faa’iidada badan ee laga heley ganacsiga Aluminium-ka xilligaas, waxay dhalisey in denbiyo badan ay ka dhacaan. Waxaa halkaas ka abuurmey xaaladda loo bixiyay dagaalkii Aluminium-ka (Auminium War). Waxay ahayd xilli saddexdii maalmoodba uu u dhiman jiray qof ama ganacsigan ku jira ama ka shaqeeya.

Muddo gaaban oo dagaalkan uu socdey ayaa waxaa ku dhintey tiro 100 qof ka badan Hantiilaha ugu wayn oo lagu diley dagaalka Aluminium-ka wuxuu ahaa bilyoneer u dhashay Ruush oo la yiraahdo Dmitry Bosov (1968 – 2020), kaas oo gurigiisii laga dhex-heley isaga oo madaxa laga toogtey. Kobaca cajiibka ah ee hantida Roman Abramovich waxay tusaale u tahay nicmadaha nacladeysan ee lagu helo boobka iyo musuqa, kuwaas oo badanaa laga dhaxlo aayatiin xumi. Sidaas ayuu milyaardeekan (Roman Abramovich) ayuu uga mid yahay hantiilayaasha laga bannadey hantidoodii, dagaalka Ukraine ka socda dartiis. Soomaaliduna haddii ayan helin xeer xakameeya xaaraan ku-naaxyada, goorta khayraadkooda la soo saaro, shaki kuma jiro in ay abuurmayaan gafanayaal hantida dadka booba, dabadeed meel xun ku danbeeya.

Qore: Dr. Saadiq Enow

Hadalsame Media