Su’aal culus oo ka dhalatay hadal uu maanta sheegay MW hore ee DF Somalia

0

(Muqdisho) 23 Maajo 2022 – Madaxwaynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabaddii xil-wareejinta MW cusub ee Xasan Sh Maxamuud ka sheegay arrin cusub.

 

Wuxuu markii ugu horreeysey caddeeyey in ciidankii Soomaaliyeed ee kumaqan Eritrea ay bed qabaan oo ay diyaar u yihiin in lasoo daabulo kaddib markii uu tababarkii u dhammaaday bartamihii sanadkii tegey.

Farmaajo, wuxuu qiray in tababarku u dhamaaday balse aan ciidankan loosoo daabulin dalka xasaasiyada doorashada iyo siyaasadda is diiddan awgeedna imaanshahooda dib loo dhigay.

Wuxuunq hadda galalkooda sheegay inuu ku wareejiyey MW Xasan Sh iyagoo diyaar u ah xoreynta dalka iyo lawareegida Amniga Qaranka, sida uu tibaaxay.

Hal su’aal ayaase ka dhalanaysa kelmadda MW hore taasoo ah sababta loo qarinayey malafka ciidankan oo ay qarintooda marar badan ka dhalatay in siyaabo kala duwan looga hadlo wacaalkoodana la is wadiiyo dadka qaarna ay sheegaan in la geliyey dagaalkii Nofeembar ka bilowday Woqooyiga Itoobiya?

 

Hadalsame Media