Hal sabab oo uusan Farmaajo uga nixin Xasanna ugu farxin ka guurista & gelitaanka Villa Somalia

0

(Muqdisho) 23 Maajo 2022 – EED REEB & EED QAAD – Nin xil-qaaday eed qaad, ayuu ku tiraabay Soomaali garaad lahaa.

Xil wareejintii maanta waxaa si fudud loogu dhigi karaa SHAQO wareejin.

Jacayl iyo nacayb midna maanta uma baahna Madaxweynaha JFS Hassan Sheikh Mohamud, sida uu codsaday, kaliya waxa uu rabaa taageerada inta wax la toosin karta iyo garab istaagga shacabka.

Maanta, EED ayaa u bilaabatay, halka Madaxweynihii hore Mohamed Abdullahi Farmaajo ay ka hartay.

Waxaa la gorfeyn doonaa, si ka babadis ah loo faaqidi doonaa tallaabo kasta ee uu qaado HSM.

Isaga, waxa uu rabaa dhaxal reeb, anaguna dheef maalin ah! Sida uu isu qabadsiiyo, waxaa ka dhalan doonta sida qof walba oo naga mid ah u arki doono shaqsiyadiisa.

Eebe haku garab galo talada.

W; Q: Maxamed Kaafi

Hadalsame Media