DAAWO: ”Waxay noqonaysaa Dubai-da Afrika” – Nin Kenyan ah oo Muqdisho ku ammaanay arrin aan ka jirin Nairobi

0

(Muqdisho) 20 Maajo 2022 – Nin Youtuber ah oo Kenyan ah ayaa barnaamij cusub ka sameeyey magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somalia oo uu saadiyey inay marka dambe dhaafi karto magaalooyinka waawayn ee Afrika sida Johanesburg, Lagos, Nairobi iwm.

Wuxuu sheegay in Muqdisho ay ka mid tahay magaalooyinka ugu kori og qaaradda Afrika isagoo sheegay inay weliba howshaasi dardar cusub geli lahayd haddii ay Soomaalidu inta khilaafaadka meel iska dhigaan ay isla qorshayn lahaayeen mustaqbal ifaya oo ay ku raaxaystaan.

Wuxuu soo qaatay tusaale ku saabsan dhanka ammaanka kaasoo ah in intii uu magaalada joogey uu la yaabay waana in aanu marna dareemin cabsi ku saabsan in shakhsiyan loosoo abaaro oo uu wax ka dafo tuug nacas iwm, sida Nairobi oo aad dadka noocan ah inta badan kula kulmi karto.

Wuxuu kale oo ammaanay xeebaha Somalia oo ku yaalla meel istaraatiji ah islamarkaana ku wanaagsan dalxiiska maadaama ay leeyihiin ciid bataax ah iyo cimilo diirran oo ay dad badani u baahan yihiin.

”Haddii aysan dagaallada sokeeye dhici lahayn Somalia waxay noqon lahayd Dubai-da Afrika.” ayuu soo qoray nin Afrikaan ah oo muuqaalkan ka fal-celiney.

Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media