3 qodob oo ka dhan ah lacagtii loo celiyey Imaaraadka (MW doorani eed maku leeyahay?)

0

(Muqdisho) 20 Maajo 2022 – Waxaa  shalay Imaaraadka loo fasaxay lacag 9.6m oo doollar ah oo  ay DF Somalia ku qabatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde bishii Abriil 2018-kii, taasoo markiiba ay Imaaraadku kusoo celiyeen Somalia iyagoo ku sheegay gargaar deg deg ah oo la siinayo Somalia, maadaama ay isla egyihiin lacagta loo fasaxay iyo 35m oo Dirham oo ay ku deeqeen.

Yeelkeede, waxay doodi ka taagan tahay fasaxaadda lacagtan nidaam ahaan iyo xilli ahaanba.

1 – Maadaama ay lacagtu tahay mid ku jirta gacan dowladeed waxaa yara qurxoonayd in sidii dowlad loo yara dhaqmo oo ugu yaraan wuxuu geeddi-socod iyo nidaam galaan oo xitaa haddii loo celinayo wada tashi laga galo, sharcina la waafajiyo si Somalia loogu arko dal leh nidaam shaqaynaya oo ixtiraam mudan.

2 – Dadka qaar ayaa qaba in maadaama haatan lagu jiro xilli kala guur ah ay ku yara fiicnayd in lacagtan lala sugo inta ay xukuumadda cusubi xilka la wareegayso marka la dhiso kaddib, waayo xitaa haddii aysan waxba ku dhex qarsoonayn wax kasta oo xilligan kala guurka ah la sameeyaa waxay u muuqanayaan wax si uun loola cararay.

3 – Lacagtan xitaa haddii aan ku doodno inay xukuumaddii qabatay khaldnayd, waxaynaan jawaab waafi ah u helaynin sababta garoon loo dhex marsiinayey lacag boorso ku jirta, iyadoo aan ognahay inaan qofka shakhsiga ah xitaa loo ogolayn inuu garoon la dhex maro lacag ka badan xaqal jeeb, haddii aanu sheegin sababta ay u socoto oo aanu nidaamku la ogayn. Aragtida ah in diblomaasiyiintu ay sharciga ka sarreeyaan iyagoo ku gabanaya xasaanad waa aragti cilladaysan, haddii tusaale ahaan, ay mararka qaar daruuri noqoto in diblomaasiyiintu ay garoon, bar kastam, deked iwm ay lacag marsiiyaan waa inay wargeliyaan dalka ay arrintu khuseeyso iyagoo adeegsanaya waxa loo yaqaan boorsada cas, taasina ma dhicin markii lacagtan la qabanayey.

XASAN SHEEKH EED MAKU LEEYAHAY? MW Dooran ee Xasan Sheekh waxaa lagu magac dhabay isla bayaankii kasoo baxay Xafiiska RW Rooble oo waxaa la sheegay inuu tacsi iyo tahniyad isla socda u diray MW cusub ee nidaamka Abuu Dabeey Maxmed Bin Zayid oo xilka ka dhaxlay walaalkii Khaliifa Bin Zayid Al Nahyaan oo dhowaan xijaabtey, balse saas oo ay tahay Xasan Sh eedda lacagtan saari mayno laba sababood dartood:

1 – Bayaanka rasmiga ah ee kasoo baxay Xafiisa RW Rooble waxaa ku cad in uu isagu horay bishii Jannaayo u amray sii daynta lacagtaasi, xilligaas oo uu kula dhegey MW haatan xilka ka degaya, waxaa kale oo ku cad inuu isagu ku wareejiyey.

2 – Xasan Sh Maxamuud, tiiyoo ay jirto inuu yahay MW dooran ee DF Somalia islamarkaana xilka loo dhaariyey, weli wax xil ah oo uu si rasmi ah ula wareegey ma jiro, sidaa darteed waxaan siinaynaa waxa afka qalaad lagu yiraahdo benifit of the doubt ama faa’iidada shakiga ee amuusan isagu shuqul ku lahayn.

Soo jeedin – Maadaama muddo-xileedkii 1-aad ee Xasan Sh loo jeedinayey eedo badan oo musuq iyo nidaamyo isbarbaryaacsan la xiriira, islamarkaana uu noqday MW hii abid ugu horreeyey taariikhda siyaasadda Somalia ee mar 2-aad kursiga ku fariista, waxaa MW dooran saaran mas’uuliyad ku qotonta dhiirrigelin ay arrintaasi siinayso si uu u saxo wax kasta oo lagu xamanayey run iyo beenba taasoo gaysiinaysa inuu ka tago dhaxal siyaasadeed oo togan.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media