Arrin ay sameeyeen balse eedeen dhallinyaradii horay uga tirsanayd nidaamka degaya oo looga digayo kuwa iman doona

0

(Hadalsame) 21 Maajo 2022 – TALO – Dhallinyarada ka shaqeeya ha’yadaha dowladda markii uu nidaam is badalo waxaa qaar iyaga ka midda toos u bilaabaan cayda iyo ijaafaynta nidaamkii meesha ka baxay, iyaga oo markii uu la joogayna ahaa kuwa ugu badan ee u raxleeya.

Sidoo kale, waxaa jira dad nidaamkii tegey la baxaya balse aan nidaamka cusub u taageerin sidii ay u taageerayeen nidaamkii hore, taasoo iyaduna khalad ah.

Haddaba, walaalayaal mar walba shaqaale dawladeed ayaad tihiin qof kasta oo wadanka kursiga u sareeya qabtaana waa hoggaamiyihiina, shaqadiinuna kuma xidhna marba mid la jir iyo marba mid cambaarayn ee waa hawl farsamo oo u baahan shaqo dhaba ee taas aan laabta ku haynno.

Dhallinyarada cusub ee nidaamkan hadda yimid soo raaci doonta, balse nidaamkii hore diiddanaa, iyagana waxaan leeyahay markii xilal ama jagooyin la idiin dhiibo cid gaar ah ha u guulwadaynina ee dalka iyo dantiisa taageera.

Dhanka kale, haka soo dhex bixina bulshadiina teleefoonadana haka badalanina oo asxaabta aad hadda qaybta ka tihiin ilaa inta uu xilku idinka dhamaanayo ku dhex jira, sababta oo ah kuwii hore xilalku u duufsadeen ee asxaabtoodii, walaalahoodii iyo ehelkoodii jaray teleefoonadana ka badashay, kana qaban waayey maanta ma haystaan meel ay ku laabtaan oo aan ka ahayn inay waddanka iskaga haajiraan, si ay in muddo ah isku soo dhaqaan.

W; Q: Garaad Yaasiin

Hadalsame Media