Fannaan Soomaali ah oo caan ah oo qarka u saaran in laga tarxiilo dalka uu deggan yahay + Sawirro

0

(Hadalsame) 19 Maajo 2022 – Fanaanka Soomaaliyeed ee Cumar Shoolli ayaa dhibaato wayn wali ka haysataa go’aankii dawladda Maraykanku soo saartay sanadkii 2008 dii, kaas oo ahaa in la tarxiilo kadib markii lagu qabtay daroogo. Bulshada Soomalaida ee halkaa ku dhaqan ayaa ka dalbanaya dowladda inaysan tarxiilinn fannaanka maadama uu khatar ku wajihi kara dalkiisa haddii dib loogu celiyo.

“Waan badalmay, nolosheyda intii badneedna halkaan ayaan ku qaatay” ayuu yiri Shoolli. “Dib uma noqon karo”.

42 jirkan Soomaliga ah wuxuu magac wayn ka sameeyay fanka Soomaalida, isaga oo heeso ka qaadi jiray xaflado waawayn iyo aroosyo.

Shoolli wuxuu sheegay in uu baqdin ka qbao ururka al-Shabaab oo ka taliya deegaanno badanoo Soomaaliya ah, isaga oo ku andacooday in ay dil ugu hanjabeen.

Laanta socdaalka ayaa laba mar ogaatay in hadii Shooli loo celiyo Soomaaliya ay waxyeelo xun u geysan karaan ururka al-Shabaab amaba ay dili karaan maadaama heesihiisa ay u arkaan kuwo dhaqanka wax u dhimaya.

In dad laga tarxiilo Maraykanka way yaraatay tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne Joe Biden, markii la barbar dhigo waqtigii madaxweyne Donald Trump, oo maamulkiisa uu awood siiyay hay’adda socdaalka. Sanadkii 2021 kii Maraykanka waxaa laga tarxiilay 47 qof oo celiyay Soomaaliya, halka 2020 kii la tarxiilay 112 ruux.

Waa kuma Cumar Shooli?

Cumar wuxuu ka soo cararay Soomaaliya sanadkii 1996 dii oo ay dagaalo ka socdeen, wuxuuna gaaray waddanka Maraykanka.

Sanadkii 2008 dii ayaa lagu xiray gobolka Minnesota kadib markii lagu qabtay daroogo, halkaas oo uu ku xirnaa muddo labo sano ah.

Cumar waa aabe leh xaas iyo caruur, sidoo kale walaalihiis iyo waalidkiis ayay wada dagan yihiin gobolka Minnesota.

Wuxuu bilaabay shaqada fannaanimada sanadkii 2013 kii. Heesihiisa jacaylka ah ayaa markiiba uu ku magacwayn oo ku yeeshay Soomaalida Maraykanka iyo dunida kale jooga intaba.

Waxyaabaha aadka loogu xasuusta waxaa ka mid ah, muuqaalka hees uu soo saaray 2015 kii taas oo ay ku jirtay gabar uu qaawan yahay qayb ka mid ah jirkeeda. Arrintaas ayaa hadal hayn badan ka dhexdhalisay baraha bulshada Soomaalida.

Shooli hadda wuxuu doonayaa in dhaqdo reerkiisa, magaciisa uu wanaajiyo, dibna boorka uga jafo heesihiisa.

“Waxaan rabaa ina ahalgamo, ma awooda inaan kala maqnaano xaaskeyga iyo caruurteyd,” ayuu yiri Shoolli ” Kama tagi karo nolosha kaliya ee aan aqoonay waligeey”.

BBC

Hadalsame Media