Ruushka oo Ukraine geeyey taangiga cusub ee ”Terminator” oo mar qura bartilmaameedyo badan duqayn kara + Sawirro & Muuqaal

0

(Moscow) 19 Maajo 2022Ruushka ayaa dalka Ukraine u daabulay taangi loo yaqaan magaca Terminator kaasoo uu nidaamka Moscow uga jawaabayo guuldarrooyin uu kala kulmay dagaalka uu ka wado Gobolka Donbas ee bariga.

Wakaaladda Ria Novosto ayaa sheegtay in “Tawaangida BMPT [oo lagu naynaaso Terminators] ay ka qaygaleen dagaalka,” Arbacadii shalaytoole.

Taangigan ayaa wuxuu leeyahay muuqaallo gaar ah oo ka dhigaya mid halis ah waxaana ka mid ah inuu mar qura duqayn karo bartilmaameedyo kala geddisan isagoo ridaya hub noocyo kala gedisan ah oo ay ku jiraan gantaallo, waxaana lahu arkay isagoo usii gurguuranaya dhanka Severodonetsk oo ka tirsan Luhansk.

Taangiyada noocan ah oo markii ugu horreeysey lagu soo bandhigay carwo ciidan oo la qabtay 2013-kii taasoo la yiraahdo Russian Arms Expo islamarkaana ka qaybqaatay rigada Maalinta Guusha ee Victory Day parade sanadkii 2020, ayaa la geeyey dalka Suuriya 2017-kii kaddib markii ay ku wada heshiiyeen MW dalkaasi ee Bashar Assad oo la kulmay Abaanduulka Ruushka ee JenerAal Valery Gerasimov.

Hadalsame Media