DEG DEG: Maraykanka oo jawaab rasmi ah ka bixiyey booqasho la sheegay inuu Xasan Sh ku tegayo dalkaasi

0

(Muqdisho) 19 Maajo 2022 – Waxaa soo baxayey warar tibaaxaya in MW dooran ee DF Somalia ee Xasan Sh Maxamuud uu martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Maraykanka ee Joe Biden.

Yeelkeede, Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa biyo qabow ku sayrtay warkaasi oo ay si rasmi ah uga hadashay.

“Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa cadaynaysa inaysan jirin casuumaad rasmi ah oo uu Madaxaynaha Mareykanku u fidiyey Madaxweynaha Soomaaliya ee @HassanSMohamud, si uu u booqdo Washington, DC waqtigan,” ayaa lagu bilaabay

“Dowladda Mareykanka ayaa ka warqabta in madaxweynaha Soomaaliya uu si weyn ugu howlan yahay dhismaha dowladdiisa.” Ayaa la raaciyey.

Hadalsame Media