Aagga uu dagaalka siyaasadeed ee ugu horreeyaa uga furmi doono MW dooran & fursadaha iyo caqabadaha hor yaalla

0

(Hadaksame) 17 Maajo 2022 – FURSADAHA IYO CAQABADAHA HORYAAL MD HSM

Doorashadii Md Hassan Sheikh Mohamud ee dhawaan waxa ay iftiimisay koritaanka fahamka dowliga ah iyo siyaasiga ee bulshada Soomaaliyeed.

Gebi’ahaanba waxaa meesha ka baxay qiiro jabbaantii iyo dadkii oodda soo jabsan jiray, haka ahaato xiiso, xilasho ama filashee.

Arrintaas waxa ay dadka qaar aaminsanyihiin in ay ku dhacay laba sababood, 1, in dadku aqoontii hore ee ay HSM u lahaayeen iyo in ay ku cibro qaateen 2017.

Weli Madaxwaynaha dooran xafiiska lama wareegin, toddobaadkii malabka ayuu ku jiraa, duco, talo iyo hambalyo kaliya ayaa furan maanta.

Qormadan kooban waxa ay daaran tahay fursadaha iyo caqabadaha horyaalla HSM.

HSM waxa uu ku shaqeyn doonaa xafiis uu yaqaano, uma baahna waqti badan oo uu jawiga ku fahmo, waxaa la socda dowladiisii hore iyo rakaab cusub oo dib uga soo biiray, sidaas daraadeed waxa uu haystaa fursad uu shaqada hore uga bilaabo.

Dowladdii u dhisneed ee uu Villa Somalia la imaan doono marna waa u fursad marna uu caqabad, yeelkeede isaga ayey ku xiran tahay sida uu midda hore uga faa’iideysto.

Mar waa fursadoo, haddii odaygu koox abaabulan wato, uma baahna raadinta dad cusub oo uusan aqoon waxa ay la gole imaan doonaan, caqabadda se, waa in qaar ka mid ah kooxdaas lagu eedeeyo in ay qeyb ka ahaayeen sababihii uu xilka ku waayey 2017. Waxaa isha lagu hayn doonaa sida uu duqa isu mareeyo.

Fursad kale waxa uu HSM ku haystaa in uu hoggaamin doono nidaam maaliyadeed iyo ciidamo dhismohoodu meel laga sii horumarin karo jooga, hase yeeshee, haddii xukuumaddiisu isku daydo in ay wax walba soo bilaabaan, haylkaladdii dhisnaa meesha laga wada sararo oo xayn cusub la keeno waxaa lumi doona waqti fara badan, cawaaqib xumana waa laga dhaxli doonaa.

Mar walba Dowlad-gobolleedyadu waa caqabad taagan, HSM waxaa fursad u ah in dhammaan Gobolladaas talisyada ka jira uu waqtiga ka sii dhamaanayo, haddii uu Federalka xoogga saaro, dagaal la galin, xilliga doorashooyinkooda isku dayin in uu dad geysto, waxaa bilaaban doona turun turuun uusan ka kaban doonin inta xukunka uga dhiman.

HSM waa in uu maanka ku hayaa aagagga ugu horreeya ee uu dagaalka uga curan doono inay tahay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha, waa in uu ogaada daqiiqadda uu magacaabo in uu gacan ku haysto middi laba afle ah.

Sidaas daraadeed, waa in uusan soo xulan RW sifooyin gurracan iyo dan gaar ah ku yimaada. Labadii bilood ee Moxamed Xuseen Rooble la raadinayey cashar haka qaato.

Saxaafadda & baraha bulshada. Midda dhaqamiga ah iyo midda Baraha Bulshada sanadihii la soo dhaafay waxa ay ahaayeen agaag dhufaysyo la’isaga qotay.

HSM isaga oo aan la dooran ayuu watey kooxo u kala qaybsanaa kuwo si taban u dhisa oo afkaaro gudbiya iyo kuwo qabyaaladi indha tirtay oo cid walba oo ka aragti duwan colleysanayey. HSM sida uu kooxihiisa saxaafadda ula falgalo waa dacal kale oo uu tuurabiinka hayn doono.

Aarsi ma jiro ayuu laba meel oo fagaare ah uga khudbadeeyey, haddii uu oday Soomaaliyeed noqdo oo dadka isku wada, odaytinimadiisa lagu waynayn doonaa, haddiise ay mar labad ka hoosto, qiil ma helo doono.

W; Q: Maxamed Kaafi

Hadalsame Media