Madaxtooyada Villa Somalia & qaybteeda warfaafinta oo 2 qodob saxay 2 kalena khalday

0

(Muqdisho) 17 Maajo 2022 – Madaxtooyada & Xafiiska Warfaafinta ee Villa Somalia ayaa 2 arrimood ka muujiyey xirfad, bisayl iyo inay garteen sida ay u shaqayso qayb ka mid ah dowladnimada ku dhisan hannaanka dimoqraadiga ah.

Yeelkeede, 2 dhinac oo kale ayay khalad wayn ka galeen intii ay socotey marxaladdii ugu dambaysey ee doorashada Madaxtooyada.

LABADA AY SAXEEN

1. Olalaha doorashada uma isticmaalin baraha bulshada rasmiga ah ee Madaxtooyada Villa Somalia iyo tan dowladda.

2. Madaxwaynaha cusub oo aan xafiiska weli la wareegin ayay u baahiyeen hambalyooyinka caalamku u soo direen.

LABADA AY KHALDEEN

1. Inay hantida ummadda olole ku galeen oo sida aan ka war hayno ay lacago badan xildhibaannada khasnado gaar ah ugu shubeen.

2. In rag jago ka haya DF iyo Gobolka Banaadir ay si furan ugu ololaynayeen MW xilka ka degaya oo isna xafladdii isa sharraxaadda uga dhawaaqay Madaxtooyada dhexdeeda, taasoo aan sax ahayn, maadaama Madaxtooyadu tahay xafiis dadwayne (public office) is sharraxaaduna tahay arrin qof u gaar ah (personal).

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media