DEG DEG: “Tillaabo millateri ayaan qaadaynaa!” – Ruushka oo farriin hanjabaad ah toos ugu diray Sweden

0

(Moscow) 17 Maajo 2022 – Wasaarad Dibadeedka Ruushka ayaa farriin hanjabaad ah u diray dalka Sweden oo shalay ku dhawaaqay inuu si rasmi ah arji xubinnimo ugu gudbiyey NATO.

“Ku biiritaanka Sweden ee NATO waxay dhaawac wayn u geysan doontaa amniga Woqooyiga Yurub iyo guud ahaanba Yurub,” ayaa lagu bilaabay qoraal kasoo baxay WAD Ruushanka.

“Dowladda Ruushku waxaa ay qaadaysaa tillaabooyin jawaab celin ah, oo ka kooban mid millateri-farsamo iyo kuwo kaleba.” Ayaa la raaciyey.

Sweden ayaa waxaa kasii horreeysey Finland oo iyadu toos Ruushka ugu sheegtay inay ku biirayso NATO.


Hadalsame Media