Microsoft oo af Soomaaliga kusoo dartay luuqadaha ku diyaarsan barnaamijyadeeda (Arag sida loo adeegsado)

0

(Seatle) 14 Maajo 2022 Microsoft waxay ku dadaalaysaa inay yarayso baahiyaha arday kasta iyadoo isku dayaysa inay ka dhigto agabyada fasalka mid uu qof walba heli karo, waxaana taa loo maraya casriyayn cusub, iyadoo Microsoft ay luuqadaha Ukraine, Soomaaliga, iyo Zulu-g kusoo dareen afaf-howleedkooda rasmiga ah, taas oo tirada guud ee luuqadaha ka dhigaysa 105.

Ku daridda luqadahaan waa cabbir faahfaahsan oo ay howlgelisey Microsoft si loo hubiyo in dhammaan ardayda ka timid Ukraine ay helaan isbeddel sahlan si aysan u seegin waxbarashadooda sababo la xiriira caqabadaha luuqadeed.

Immersive Reader ayaa si otomaatig ah u fahmaya marka aad ku hadasho afafka ku diyaarsan, halka Microsoft Translator uu caadi u tarjumayo qoraallada aad geliso, waxaana qalabyadan laga heli karaa guud ahaan Microsoft 365, waxayna ardayda Soomaalidu hadda kaddib awood u yeelan karaan inay helaan adeegga Read Aloud.

Guji HALKAN, si aad u aragtid hagid ku saabsan sida uu u shaqeeyo Immersive Reader.

Hadalsame Media