”Nafteenna khatar ku gelin mayno qolofkaas” – Ruushka oo helay meel uu Maraykanka uga adag yahay & lacagta uu ka qaado

0

(Hadalsame) 14 Maajo 2022 Cirbixiyeennada Ruushka (Cosmonauts) ayaa diidey inay ku duulaan dayax gacmeedyada Maraykanka sababo la xiriira badbaadada, sida uu Sabtigii sheegay Dmitry Rogozin, Madaxa Wakaaladda Hawada Sare ee Ruushka ee Roscosmos. Waxa uu intaa ku daray inaysan weli heshiis ka gaarin iyaga iyo NASA qorshe ay labada dhinac hawada sare ugu qaadayaan cirbixiyeennada labada dhinac.

Sida laga soo xigtey Rogozin, NASA waa xoogga ka dambeeya hindisaha is-beddelka kursi is dhaafsiga, sababtoo ah Maraykanku ma rabaan “in ay lumiyaan fursadooda duullimaad ee ay ku raacayaan markab-cireedka Ruushka.” Nidaamka isdhaafka ihi wuxuu dhigayaa in Soyuz MS uu qaado hal cirbixiyeen oo Maraykan ah, beddelkeedana Ruushku wuxuu kursi ku yeelanayaa midka Maraykanka, qorshe i qaad aan ku qaadee.

NASA waxa ay ku talo jirtaa in ay ku tookaysato lixdii biloodba mar shirkadaha hawada sare ee gaarka loo leeyahay ee Maraykanka sida midka SpaceX ee Crew Dragon iyo midka Boeing dhisto ee Starliner, kan dambe se weli ma howlgelin. Rogozin ayaana ku tilmaamay dayax gacmeedka Boeing ee Starliner mid ku sugan “xaalad halis ah farsamo ahaan.”

“Waxay markii ugu horreysay ku duushay cillad. Markii labaad gebi ahaanba ma duuli karin. Dib u dhigista daah-furka duullimaadkiisuna wuxuu socdey in ka badan laba sano hadda. Markale, waxay isku dayi doonaan inay duulaan. Laakiin xaqiiqdii ma raaci doono mid ka mid ah cirbixiyeennada Ruushku, waayo ma doonayno inaan halis gelinno noloshooda,” ayuu Rogozin u sheegay hilinka Rossiya 24 TV.

Starliner oo markii ugu horreeysey la ganay Diseembar 2019, ayaa waxaa haysta dhibaato dhanka software-ka ah oo mustaxiil ka dhigay inuu ku xirto saldhig-cireedka hawada dare ee ISS, iyadoo Khamiista soo aaddan la gani rabo Starliner bilaa dad ah oo la yiraahdo OFT-2.

Ilaa dhowaantan, NASA ma lahayn awood ay ku gaarto saldhiga hawada sare, iyada oo ku tiirsan caawimaadda Ruushka, tan iyo markii ay joojisey duullimaadkeedii hawada sare 2011-kii, taasoo ka dhigan in DF Maraykanku aanay hadda lahayn markab-cireed ay iyadu maamusho. Waxa ayna siinaysey Roscosmos qiyaastii $81 milyan oo doollar kursigiiba 2018.

Bishii Maajo 2020-kii, Crew Dragon, oo ah dayax-gacmeed dib loo isticmaali karo oo ay sameeysay Shirkadda SpaceX ee uu leeyahay Elon Musk, ayaa markii ugu horreysay muddo 9 sano ah hawada sare u qaaday laba qof oo Maraykan ah oo ku safrayey markab-cireed uu Maraykanku sameeyey.

2021, waxaa lagu dhawaaqay in Anna Kikina, oo ah haweenayda kaliya ee ku jirta jamciyadda cirbixiyeennada Ruushka ee Cosmonaut Corps, ay ku duuli karto SpaceX Crew Dragon bisha Agoosto, haddii heshiiska kursi kala beddelashada la kala saxiixdo.

Yeelkeede, xaaladdu si wayn ayey isu bedeshay tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ruushka ee Ukraine, sida uu Rogozin sharraxay, isagoo tixraacaya cunaqabataynta Maraykanka.

Hadalsame Media