Maxaa ugu mudan xeeladaha uu musharraxu kusoo xera geliyo Xildhibaanka uu codka ka doonayo?!

0

(Muqdisho) 15 Maajo 2022 – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyoone waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada guud ee xilka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Doorashada oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartamaya ku dhowaad 40 musharrax oo ay ku jiraan madaxweynayaal hore oo uu ka mid yahay Maxamed Cabdullahi  Farmaajo.

Codadkooda waxaa dhiiban doona illaa 329 xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal, haddaba waxaan halkan kusoo koobi doonaa shan sababood oo xildhibaanka uu codkiisa ku bixiyo, annaga oo tixraaceyno waayo-aragnimada laga dhaxlay doorashooyinkii horay u dhacay.

Lacag

Waa sir shaac ah in codadka lagu kala iibsado lacag aad u badan oo mararka qaarkood gaari karta illaa $200,000 (labo boqol kun doolar) taas oo xildhibaanka looga badesho codkiisa.

Musharaxba kan uu ka lacag haysasho badanyahay ayaa loo badiyaa in uu kaga dhowyahay in uu hantiyo kursiga madaxtinimada.

Xildhibaanka oo qudhiisa ay lacag kaga soo baxday in uu soo helo kursiga, ayay lacagta uu doorashada madaxweynaha ku qaadanayo u tahay fursadda koowaad ee uu kaga soo kaban karo lacagihii kaga baxay kursiga xildhibaanimada.

Xildhibaanada waa ay ku kala fursad badanyihiin helista lacagta, qaar waxaa jira ay u suurtogasho in ay helaan lacag ka badan kuwa kale, waxaana ugu wacan galaangalkooda siyaasadeed, abaabulka ay galaan, iyo sida ay u qariyaan musharaxa ay taageersanyihiin oo ay rasmi ahaan codka siinayaan.

Qaar waxaa jira lacag ka hela dhammaan musharixiinta taagan, balse codkooda wuxuu u dhacaa hal musharax. Qaar kale waxaa jira oo musharaxa kula balama wareegga labaad, haddii uu wareegga koowaad ku haro ninka ay codka u balanqaadeen.

Xildhibaanka waxa uu mushaar ahaan u qaataa lacag dhan $3000 kun doolar, haddii uu wasiir noqdana waxaa u dheer $2000 kun doolar, balse wadarta lacagtaasi muddo afar sano ah ma dhanna lacagta kaga baxday markii lasoo dooranayay. Sidoo kale wadarta mushaarka ee afarta sano waxaa mararka qaar ka badan kara lacagta ay helaan maalinka doorashada madaxweynaha.

Balanqaad Xil

Waa sabab kale oo uu xildhibaanka ku bixiyo codkiisa, gaar ahaan xilalka sarsare sida wasiirnimada ama xitaa mararka qaar Ra’isulwasaare.

Sidoo kale xildhibaanka waxa uu ku gorgortamaa xilalka iyo boosaska muhiimka ah ee dowladda ee beeshiisa loo heli karo, gaar ahaan dajarada ciidanka oo ah waxa ugu badan ee xildhibaanada ay ka raadiyaan qofka madaxweynaha noqonaya.

Afaaro Qabiil

Maadaamaa nidaamka wax qeybsiga awoodda uu ku salaysanyahay beelo, xildhibaanadana ay ku yimaadeen metelaadda beelahooda, waxaa wax iska caadi ah in xildhibaanka uu codka siiyo musharaxa ku beesha ah ee tartanka ku jira.

Waxaaba jirta qaaciddo caan ah oo sheegaysa in musharaxa madaxweynaha uu marka hore haystaa codadka xildhibaanada beeshiisa.

Koox Siyaasadeed

Waxaa jira xildhibaano tiradoodu soo kordheyso oo ka tirsan kooxo siyaasadeed kala duwan ama xisbiyo si kumeelgaar ah u diiwaangashan, kuwaas oo ay ka sharaxanyihiin musharixiin madaxweyne.

Xildhibaanadaasi ayaaba lasii ogyahay qaarkood qofka ay u codeynayaan, waxayna ku jiraan olole furan oo ay ku doonayaan in lagu doorta musharaxa ay koox ahaan kula socdaan.

Inkasta oo xilka iyo xoolaba ay meesha ku jiraan, haddane xildhibaanada codkooda ku dhiibta sabab la xiriirta kooxda ay ka tirsanyihiin waa kuwa ka xoroobay nidaamka qabiilka, qaatayna aragti siyaasadeed oo ay had iyo goor difaacaaan.

Dareenka Shacabka

Sidaba dhacday marar badan, waxaa jira xildhibaano ka jawaaba dareenka shacabka, gaar ahaan marka la gaaro wareegyada dambe, codkana isugu geeya musharax taageero badan ka haysta dhanka shacabka.

Waana taas sababta musharixiin badan ay dedaal iyo qarashba ugu bixinayaan in ay shacabka taageero ka helaan ka hor inta aanan doorashada la gaarin.

BBC

Hadalsame Media