Ruushka oo darba tillaabo ka qaaday Finland mid kalena u qorsheeyey inuu ka qaadayo (Maxaa Finland ka raacay dagaalkii ugu dambeeyey?)

0

(Helsinki) 14 Maajo 2022 – Ruushka ayaa hakiyey korontadii uu siin jirey Finland habeenimadii xalay ahaa kaddib markii shirkaddeeda tamarta ee RAO Nordic ay ku hanjabtey inay jareyso sahayda arrin ku saabsan bixinta qaan lagu lahaa, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wakaaladda Korontada Finland oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

“Waqtigan xaadirka ah waa eber korontada Ruushku, taasina waxay bilaabatay saqdii dhexe sidii la qorsheeyay,” ayuu yiri Timo Kaukonen, maamulaha qorshaynta howlaha ee hay’add Fingrid.

Finland ayaa la filayaa in laga gooyo gaaska Ruushka wixii ka dambeeya 23-ka bishan Maajo, markaas oo uu go’ayo biilka Gazprom ee billaha ah, haddii ay lacagta ku ku bixin waayaan lacagta Ruble-ka, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ihi. Waxaa xusid mudan in Ruushku uu horayba u joojiyey gaaskii ay siin jireen Poland iyo Bulgaria dabayaaqadii bishii Abriil kaddib markii ay diideen inay lacagta u bixiyaan sida uu dhigayo barnaamijka lacagta ee Kremlin-ku.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Difaaca ee Finland Antti Kaikkonen ayaa u sheegay Iltalehti 12-kii Maajo inuusan xaqiijin karin digniintan, balse dhanka kale, Finland ayaa ka baaraandegtey “senaariyeyaal kala duwan oo ku saabsan aargoosi ka yimaada Ruushka,” sida uu sheegay Ville Tavio oo Madax Kooxeed ka ah Baarlamaanka, kaasoo xusay in diyaargarow laga sameeyay waxa ka iman kara Ruushanka.

Finland, oo  dhul dherersan 1,300-km (810-mayl) la wadaagta Ruushka ayaan ka tirsanayn NATO waloow ay si dhow ula shaqaynaysey tan iyo 2014 markii uu Ruushku goostay Crimea, iyadoo 2 dagaal horay ula gashay Ruushka min 1939 ilaa 1944, balse waxaa dagaalladaas looga qaatay 10% ka tirsan dhulkooda oo weli laga haysto.

Hadalsame Media