“Finland waxaan ku tirtiri karnaa 10 ilbiriqsi” – Ruushka oo duqayn nukliyeer ugu gooddiyey Finland & UK (MW Finland oo wacay Putin)

0

(Moscow) 14 Maajo 2022 – Dalka Ruushanka ayaa ku gooddiyey inay hubka halista ah ee nukliyeerka ku gani doonaan dalka Britain, oo ay sheegeen inay gantaalohoodu ku gaarayaan 200 oo ilbiriqsi ama 3 daqiiqo.

Finland, oo ay dowladdoodu caddaysatay inay ku biirayso NATO ayay sheegeen inay ku tirtiri karaan 10 ilbiriqsi, sida uu ku faanay Guddoon Xigeenka Guddiga Difaaca Aqalka Sare ee Duma, Aleksey Zhuravlyov.

Hanjabaaddan waalan ee Zhuravlyov waxay muujinaysaa niyad-jabka ka dhashay duullaanka sii xumaanaya ee Putin ku qaaday Ukraine – iyo caro ka timid dalabka ku biirista NATO ee Finland.

Warkan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli dalka Ruushku uu saaka ka jaray korontadii uu siin jiray dalka Finland. Waddankan Woqooyiga Yurub ayaa boqolkiiba toban (10%) korontadiisa ka keensada Ruushka.

Dhanka kale, Madaxwaynaha Finland ee Sauli Niinistö ayaa saaka khadka taleefoonka kula xiriiray Putin si uu ugala hadlo qorshaha dalkiisu uu ugu biirayo NATO,  isagoo sida uu sheegay u sharraxay in go’aankoodu uu ku salaysan yahay weerarka ay Ruushku ku qaadeen Ukraine.

Yeelkeede, MW Putin ayaa dhiggiisa Finish-ka u sheegay in aanay jirin halis jiritaan oo uu Ruushku ku yahay Finland, sidaa darteed, ay meel cidlo ah ka baqa cararayaan islamarkaana NATO oo ay ku biiraan aysan u kordhin doonin ammaan ka badan midkii hore.

Hadalsame Media