”Waxay daba socdeen kiis culus balse midna magaalada ayaa lagu diley midna…” – Muxuu salka ku hayn karaa dagaalka Ukraine?!! (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 13 Maajo 2022 – 14/ 12. 2012-kii, madax-waynihii Mareekanka Barack Obama ayaa wuxuu saxiixey xeerkii ahaa Sergei Magnitsky Act (Sergei Magnitsky Rule of Law Accountability Act). Taasina waxay ka danbeysey markii uu barlamaankii isku-soo raacay ansixinta xeerkan. Maantaas waxaa guuleystey ololihii uu muddada saddexda sano ah uu waday maal-qabeenka la yiraahdo Bill Browder oo saaxiib la ahaa Sergei Magnitsky. Halkan guji qaybtii 1-aad…

Xeerka Magnitsky oo ahaa mid ka danbeeyey dilka qareenkii cashuuraha ee Ruushka Sergei Magnitsky, ayaa goor danbe wuxuu noqey xeer caaami ah. Xeeru wuxuu u oo baxay oo uu si gaar a u qabanayaa 18 qof oo u dhashay dalka Ruushka, kuwaas oo dowladda u shaqeeya. Ciqaabtoodu waxay ku koobneyd inaanan la siin ruqsad dal ku-gal ah oo ay ku yimaadaan Mareekanka. Isla-markaas laga mamnuuco in ay adeegsadaan nadaamka saraafadaha Mareekanka.

In Ruushka iyo dowladaha reer galbeedka ay isku-xumaadaan waxay bilaabatay xilligaas. Bilihii february iyo maarso 2014-kii Ruushka wuxuu qaadey tallaabadii uu uu ku wareeey jaiira u-egta Kriim (Crimea). Isla-markaas wuxuu bilaabay fara-gelinta degaano dhaca bariga Ukraine. Bilihii xigey markuu weerarku dhacay waxaa bilaabatay tallaabooyin fa-celis ah oo barlamaanada Bruksel (EU) iyo Washington (USA) ay kaga hor-tegayaan gardarrada Ruushka.

Abriil iyo May 2014-kii, waxaa soo baxay liis cuna-qabatayn ka dhan ah Ruushka, taas oo ay sabab u tahay xaaladda sii xumaanaysa ee bariga Ukraine. Ruushka waxaa lagu soo rogay cunaqabatayn la xiriirta xannibaadyo dhaqdhaqaaq dhaqaale ee Ameerika toddoba sarkaal oo Ruush ah iyo 17 shirkadood oo Ruush ah. Waxaa kale oo cuna-qabataynta kamid ahaa dowladaha Midowga Yurub oo sidoo kale mamnuucay in fiisaha la siiyo 15 qof oo kale oo Ruush ah.

11/ 9- 2014-kii, Midowga Yurub wuxuu go’aansaday inuu liiska madow ku daro 24 qof, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha maamullada ka dhisan labada gobol ee kala ah Donetsk iyo Luhansk, kuwaas oo dhaca bariga Ukraine. Waxaa kale oo liiska ku jira xubno ka tirsan xukuumadda Kriim, iyo sidoo kale saraakiil Ruush ah iyo ganacsato, taas oo keentay tirada guud ee dadkaas la bar-tilmaameedsaday in ay gaadho 119 oo qof.

Waxaa bilowdey dhaqdhaqaaqan Ruushka lagu ciqaabayo ah oo ay isu-kaashadeen dowladaha Midowga Yurub iyo Mreekan. Iyagu waxay xayiraad ku soo rogeen dhoofinta teknoolajiyadda iyada loo adeegsanayo militariga iyo isticmaalka madaniga ah, xayiraad hubka loo dhoofinayo Moosko, iyo sidoo kale xayiraad macaamil ganacsi ee shan banki oo waaweyn oo Ruush ah. kuwaas oo kala ah Sber-bank, VTB-Bank, Bank of Commerce, Vnech Ekanom Bank, External Finance Bank, Gazprom Bank iyo Rosselkhoz Bank. Dadka cunaqabataynta la saarey waxaa ugu horeeya madax-waynaha Ruushka Vladimir Putin iyo wasiirkiisa dibadda Sergey Lavrov. Waxaa kale oo kamid ah xubno ka tirsanbarlamaanka Ruush, xubno ka tirsan

xubnaha Golaha Amniga Qaranka, saraakiil sarsare, ganacsatada iyo hantiilayaal.

Tallaabadan cuna-qabataynta ah maahayn mid ugub ku ah siyaasadda xiriirka dibadda oo dowlduhu ay ku dhaqmaan. Waxay ahayd hub loo adeegsan jirey dowladaha dunida saddexaad ee yar-yar. Laakiin markaan waxaa bilaabatay in dowladihii lahaa awoodda dhaqaale iyo awoodda ciidan ay isu adeegsadaan cuna-qabatayn. Waxaa cunaqabataynta Ruushka ku soo biirey dowlado badan oo la meereysta Mareekanka, kuwaas oo ay ugu horeyso Kanada. Waxaa halkaas ka bilowdey dagaalka ganacsiga (Trade War) oo ah mid leysu adeegsanayo in dhaqaalaha leyska toogdo. Inteynaan u guda-gelin fal-celiskii Ruushka uu ka qaatey arintan, waxaanu yara-xuseynaa qaar kamid ah hantiilayaasha Ruushka (Russian Oligarchs) oo xannibaadda la saarey.

Alisher Usmanov oo hantidiisa lagu qiyaasey 17,6 bilyan oo doolar. Waa nin dhalashadiisu tahay Uzbekistaan. Waa ninka uu Putin u jecel-yahay maal-qabeeddanada saaxiibadiis ah. Waa ganacsadaha badbaadiya hantida Putin. Antia Aiser Usmanov waxaa kamid ah qasriga wayn oo la magaciisu yahay (Beechwood House) ee uu ku leeyahay London. Qasrigaas oo dhaca degmada New Port ee koonfurta Wales, waxa qiimihiisu yahay 79 melyan oo doolar. Wuxuu kaloo leeyahay laba qasri oo dhaca dibadda magalaada London, kuwaas oo la-kala yiraahdo Tudor Mansion iyo Sutton Place. Qasriyadaas saddexda ah waxay kamid noqdeen hantida lagala wareegey ninkan.

Roman Abramovich, waa maal-qabeen hantidiisa lagu qiyaase 12 bilyan iyo 400 oo melyan. Isagu waa mid ka mid ah bilyaneerrada ugu caansan Ruushka. Sababta ka danbeysa guulihiisa cajiibka ah waa naadiga kubbadda cagta Chelsea FC ee uu iibsadey. In-kasta oo Roman Abramovich uu kamid yahay xulufada Putin kuwooda ugu hantida badan, misana cuna-qabataynta waxay ku dhacdey goor-danbe.

Sida uu saamaynta ugu leeyahay Kremlin-ka ayaa aad looga dooday. Dadka qaar ayaa soo jeedinaya inuu kaliya u dulqaatay falaad-xumida iyo musuqa maamulka Putin. Laakiin UK waxay aaminsan tahay in labadoodu ay isku dhow yihiin iyo in Abramovich uu lacagta ka sameeyay xiriirka dhow ee uu la leeyahay madax-waynaha. Sidaasna uu ku heley qandaraasyo faa’iido leh goortii FIFA ay Ruushka ku qabanaysay cayaaraha dunida sanadkii 2018-ka. In-kasta oo uu inkirey in uu xiriir dhow la leeyahay Putin, misana hantidaas aan soo xusney ee uu ku leeyahay London ayaa dowladda Ingiriiska ay xannibaad ka saartey.

W; D: Dr. Saadiq Enow

Hadalsame Media