”Waa in Somalia laga caawiyaa inay la wareegto ammaanka” – Wasiirka Gaashaandhigga UK oo Muqdisho tegey & ballanqaad uu u sameeyey Ciidamada Somalia

0

(Muqdisho) 12 Maajo 2022 – Wasiirka Ciidanka Gaashaandhigga dalka UK ayaa booqday dalalka jaalka ugu muhiimsan kala ah dhanka difaaca ee Bariga Afrika si uu ugala hadlo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo xasilloonida gobolka iyo dhismaha amniga Soomaaliya.

James Heappey ayaa booqasho ku tagay Soomaaliya, halkaas oo UK ay kala shaqayneyso xulafada ka kala socda Bariga Afrika si Dowladda Soomaaliya looga caawiyo in mas’uuliyadda amniga ay kala wareegto ciidamada caalamiga ah.

UK ayaa tababarro siisa ciidamada Midowga Afrika (AU) ee hoos yimaada Howlgalka Midowga Afrika ee Kala-guurka ah ee Soomaaliya (ATMIS). Waxaa UK Somalia ka jooga in ka badan 70 askari oo British ah iyagoo sheegay inay tababareen wax ka badan 1,000 sarkaal oo iyaguna sii tababara ciidamada Somalia.

Wasiir Heappey ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia, Cabdisaciid Muuse Cali, iyo Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ay ka wada hadleen sidii Soomaaliya ay horay ugu sii socon lahayd.

”UK waxaa ka go’an in ay gacan ka gaysato dhismaha amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.” ayuu ballanqaaday Wasiirku.

Waxa uu sidoo kale la kulmay oo uu kala hadlay ciidamada Britain ee haatan ka caawinaya dib u habeynta laamaha amniga Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada ATMIS Jen Diomede Ndegeya oo uu kala hadlay caqabadaha ay la kulmaan, sida lagu qoray bogga rasmiga ee Dowladda UK.

Hadalsame Media