Ukraine oo heshay meel ay uga aarsan karto Ruushka balse jugtii waxay ku dhacday dalalka Midowga Yurub

0

(Kyiv) 12 Maajo 2022 – Shirkadda Tamarta ee Ruushka ee Gazprom ayaa sheegtay Khamiistan in ay hadda ay gaaska ay usii gudbiso Yurub ay ku bambayso dhuumaha mara Sudzha kaddib markii ay marinka gaaska ee Sokhranovka ay diidde Ukraine, sida uu sheegay Afhayeenka rasmiga ah ee Gazprom Sergey Kupriyanov.

Shirkaddu waxay sheegtay in mugga gaaska iminka ka gudbaya Sudzha uu gaarey 50.6 milyan oo mitir oo 3 jibbaaran wixii laga bilaabo maanta Maajo 12, kaas oo “ay xaqiijiyeen inuu ku dhowaad ​​30% ka hooseeyo celceliska gaaskii ay Yurub siinayeeen”, sida ay sheegtay Gazprom.

Saldhiga muhiimka ah ee Sokhranovka, kaas oo qaada ilaa 32.6 milyan oo mitir kiyuub maalintii, ama saddex meelood meel gaaska Ruushka ee sii mara Ukraine una sii gudba Yurub, ayay Kiev Arbacadii xirtey. Howl-wadeenka nidaamka gudbinta gaaska ee Ukraine ayaa sheegay inay go’aansadeen inay hakiyaan hawlaha Sokhranovka sababtoo la xiriirta “faragelin ay ku hayaan ciidamada halkaa qabsaday.”

Gazprom waxa ay sheegtay in aanay u arag sabab khalkhal galinaysa, iyadoo xustay inay si buuxda u fulinayso dhammaan waajibaadka qandaraas ee ka saaran macaamiisha Yurub, iyadoo uu Ruushku 42% ka yahay gaaska guud ee ay qaataan dalalka Midowga Yurub.

Ukraine ayaan sida muuqata arrintan ka heli doonin yoolkii ay ka lahayd iyadoo carqaladaysay dalalka ay gaaska ka xirtey ee EU oo ah kuwa taageeraya.

Hadalsame Media