3 qodob oo qaraar oo ku saabsan doorashada sanadkan & cidda khaladka ugu wayn ku leh

0

(Hadalsame) 12 Maajo 2022 – Waxaa maanta soo dhamaanaysa khudbooyinka aanay Xildhibaannada shilinka ku shaqeeyaa aanay dhegeysanayn oo shalay ka bilowday Teendhada Afisyooni iyadoo Axadda la qabanayo doorashada kala baxa ah ee sanad-dhaafka ah.

Yeelkeede, waxaa muuqata inuu doorasho-xilliyaadeedkani ka duwan yahay kuwii sanadihii dambe oo ay dadku ugu yaraan jiho haysteen oo la raadin jirey qof dalka iyo dadka wax u qaban kara. Waxaan eegayaa 3 qodob oo muhim ah:

 1 – Haatan ra’yul caamku inta badan waa qaybsan yahay marka laga reebo dad yar oo waxgarad ah oo si waaqici ah u fikiraya, waxaanay dadku inta badan qaab qabyaaladaysan u kala taageerayaan musharrixiinta iyadoo aan la xeerinayn diiwaanka siyaasiga, wixii uu kharribay iyo xitaa inuu hayo bayaan siyaasadeed iyo in kale.

2 – Waxaa kasii qaab daran qaabka loo wajahayo wax ololayn lagu sheegayo oo inta badan ka soconaya baraha bulshada oo uu qof kasta mid uu kharash ama qabyaalad ku taageerayo uu kuu sheegayo ”inay dhaartii u dhimman tahay”, balse aan xambaarsanayn nuxur qodobaysan iyo maanifeesto ay ku cad yihiin wax uu doonayo inuu qofkani qaranka u qabto.

3 – Waxaa taas kasii horreeysey sidii foosha xumayd ee ay kusoo bexeen qaar badan oo ka tirsan Xildhibaannada ku kala jira labada aqal ee Baarlamanka 11-aad ee xubnaha qaar boosas loo xirey, qaar malxiisyo loo sameeyey, qaarna looba diidey inay baratamaan.

EEDDA INTEEDA BADAN – Waxaa in aakhirka turubka siyaasadeed uu maanta sidaa u lumo qayb ahaan mas’uul ka ah sidii dalka loo maamulayey 5-tii sanadood ee tegey oo aan in badan lagu xeerin midnimada ummadda iyo dabaqaadda siyaasad ku dhisan samadoonnimo iyo niyad-furnaan, waayo nidaamka haatan tegayaa wuxuu dalka dhaxlay isagoo ku naalloonaya midnimadii ugu waynayd xilligii burburka wuxuuna ka tegayaa isagoo aad u qaybsan.

Marka intaa la isku diro ka quusan mayno inay noqdaan ”TUBAAKADII TIMIRTA DHASHAY”, balse rajada waxgaradu waa mid dugsanaysa taxaddar aad u sarreeya oo ku kooban ”Allow khayr ka dhig!”.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media