Xog cusub oo kasoo kordhaysa dilkii Shareen & Safaaradda Maraykanka oo fududaatay (Nooca rasaasta lagu dhuftay & jihada?)

0

(Quddus) 12 Maajo 2022 – Baaris hordhac ah oo lagu sameeyey Ciidamada Israel ayaa muujinaysa in weriyihii Al Jazeera ee Shireen Abuu Caqlah ay 150 tillaabo uun (328 cagood) u jirtey Ciidamada Isarel markii laga tooganayey qoorta.

Shireen oo ahayd Falastiin-Maraykan 25 sano u shaqaynaysey Al Jazeera ayaa aaddey xerada qaxootiga Jeniin si ay uga soo warranto weerar ay ciidamada ammaanka Israel ku qaadeen xeradaasi taasoo ay ku sheegeen inay kusoo qaban lahaayeen “argagixiso la tuhunsan yahay”.

Israel ayaa haatan qiratay in Ciidamada Gaarka ah ee Duvdevan ay rasaas nool u rideen jihooyinka galbeed iyo woqooyi oo ay xerada ka joogeen Abuu Caqlah iyo sawir qaade Reuters ka tirsan oo la dhaawacay.

Weriyaha Middle East Eye ee Shatha Hanaysha ayaa sheegtay in ujeedku ahaa in la dilo iyadoo ku jirtey 6 weriye oo rasaas ay oodda uga qaadeen ciidamada Israel, markaasoo ah goorta uu qof shiishe ihi qoorta ka toogtey Shireen oo iyaga la joogtey.

Dhanka kale Millateriga Israel iyo Safaaradda Maraykanka ee Israel ayaa soo tweet-gareeyey muuqaal laga arkayo qorileey Falastiini ah oo Jeniin ku sugan oo rasaas ku ridaya meel luuq ah, taasoo ay ku bixinayaan tusaale ah inay iyagu gabadha dileen.

Yeelkeede, markii dambe taliyaha Ciidamada Israel, Jen. Aviv Kochavi, ayaa ka noqday sheegashadaas, isagoo ku dooday inaysan runtii hadda aqoonin jihada laga soo ridey iyo cidda rasaasta gabadha ku dhacday soo riddey, isagoo sheegay inuu “ka xun yahay geerida weriyaha.”

Baarista ayaa sidoo kale ilaa hadda sugtay in gabadha lagu dhuftay rasaas 5.56mm ah oo laga soo ganay qoriga uu Maraykanku sanceeyo ee M16 oo ay badiyaa isticmaalaan Ciidamada Yuhuuddu, waloow ay weli diiddan yihiin inay qirtaan ama xitaa diidaan inuu soo ridey askari iyaga ka tirsan.

Dilka Abuu Caqlah ayaa kiciyey dareen caalami ah iyadoo ay Falastiin dalbanayso in la sameeyo baaris caalami ah oo ka madax bannaan Israel.

Hadalsame Media