”Waxaan qarxinney qabkoodii” – Gantaal ay Sweden samayso oo dhuxulo maygaag ka dhigay taangiga ugu casrisan Ruushka (Daawo)

0

(Hadalsame) 10 Maajo 2022 Muuqaal cusub ayaa soo baxay oo muujinaya taangiga ugu qaalisan uguna casrisan Ruushka oo ay burburiyeen Ciidamada Ukraine intii uu socdey dagaalka Donbas oo dhowaan taangigan loo daabulay.

Muuqaal lagu qaaday daroon oo ay faafisay Wasaaradda Difaaca Ukraine, ayaa tusaya taangi ah nooca T-90M – oo jooga £4milyan oo gini laguna sheego jiilka ugu dambeeya taangiyada caalamka oo qarxaya kaddib markii lagu helay Stary Saltiv, oo ku taalla afaafka Kharkiv, todobaadkii tegey.

Muuqaallo badan ayaa markaa muujinaya wax u muuqda qolof gubtey oo isla taangigii ah, oo dalool wayn ku leh dhinaciisa midig iyo caddaynta qarax kaga dhacay xagga dambe iyadoo uu gaashaankiisu bannaanka usoo qalloocan yahay.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ukraine ayaa ku andacootey in taangigan ay la heleen Qoriga roket-ka gana ee Carl Gustaf oo lagu sameeyo dalka Sweden kaas oo qiimihiisu dhan yahay £18,500 oo gini, sida uu dhigayo Daily Mail.

”Qabkii taangiyada Ruushka waxaa burburiyay qori-gacmeedka Sweden ee Carl Gustaf.” ayay wasaaraddu ku sheegtay barteeda twitter-ka.

T-90M waa taangi dagaal jiilkii ugu dambeeyey ee uu Ruushku soo saaro, waxaana isaga oo dhanba adeeg ciidan la galiyey 2016-kii.

Hadalsame Media