Maraykanka & Israel oo isku haysta dilka Shareen Abuu Caqlah iyo Israel oo keentay muuqaal cajiib ah oo marmarsiinyo ah (Daawo)

0

(Quddus) 11 Maajo 2022 – Shareen Abuu Caqlah, oo ah weriye ka tirsan Aljazeera oo ay u shaqaynaysey tan iyo 1997-kii ayaa saaka lagu diley iyada oo ka warramaysa weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen xerada qaxootiga Jeniin.

Shareen ayaa waxa ay ahayd muwaadinad Maraykan ah maadaama ay haysatey dhalashada dalkaasi, iyadoo uu Safiirka Maraykanka ee Israa’iil Tom Nides uu ku baaqay baaris deg deg isagoo yiri:

“Aad ayaan uga xumahay in aan ogaado geerida weriyaha Maraykanka iyo Falastiin, Shireen Abuu Caqlah,” ayuu Nides kusoo qoray bartiisa twitter-ka.

“Waxaan dhiirrigelinayaa in baaritaan dhab ah lagu sameeyo xaaladihii geerideeda iyo dhaawaca ugu yaraan wariye kale oo maanta lagu toogtey Jenin.”

Afhayeen u hadlay Dafaaradda Maraykanka ee magaalada Quddus ee la haysto oo ay u wareegtey xilligii Maamulka Trump, ayaa isna sheegay in Abuu Caqlah ay wax ka tebinaysey arrimaha Bariga Dhexe iyo caalamka in ka badan labaatan sano, ayna ahayd qof uu “aad u ixtiraamo qof kasta Falastiini ah iyo dadkaa kale ee caalamka”.

Ha yeeshee, Israel oo ah cidda loo haysto dilka werisadan oo la sheegay inay meel fog kasoo toogteen iyadoo weliba la sheegay in meesha yool laga dhigay oo xitaa ay muddo qaadatay in loo dhowaado gabadha dhimatay iyo weriyaha dhaawacmay si isbitaal loo geeyo, ayaa keentay marmarsiinyo cajiib ah oo lagu faafiyey Wasaarad Dibadeedkooda.

”Saaka, magaalada Jeniin, ayaan argagixisadu waxaan ka maqalnay iyagoo leh: “Mid ayaan ku dhufannay, askari ayaan ku dhufannay, dhulka ayuu yaallaa,” Balse ma jiro askari ka tirsan ciidamada IDF oo ay ku dhaawaceen Jeniin. Argagaxisada falastiiniyiinta, oo rasaas aan loo meel dayin ridaya, ayaa waxay u badan tahay inay ku dhufteen weriyaha Al-Jazeera ee Shareen Abuu Caqlah.” Ayay soo qortay Aasaaraddu, balse cid kasta ayaa codkan inta samayso saari karta muuqaalka.

Hadalsame Media