Musharrax u taagan xilka madaxtinnimada Somalia oo Kenya u ballanqaaday inuu u daynayo dhul-badeedka ay sheeganayso (Muxuu ka doonayaa iyaga?!)

0

(Nairobi) 11 Abriil 2022 – Musharrax Madaxwayne oo u tartamaya Doorashada Soomaaliya ayaa ka dalbaday Maxkamada Sare ee fadhigeedu yahay Magaalada Nairobi in ay amarto in loosoo celiyo Baasaboorkiisa si uu ugu duulo Magaalada Muqdisho, islamarkaana uu sameeyo Olole maadaama uu doonayo in uu qabto xilka ugu sareeya ee dalka Soomaaliya.

Maxamed Yaasiin Ismaaciil, 71-jir, oo loo haysto qaan maaliyadeed oo gaaraysa Sh4milyan oo shilin (($40,000 oo doollar) oo ay kiiskeeda haysey Maxkamadda Makadara ayaa Garsoore Justice Grace Nzioka ku boorriyey in baasaboorkiisa loo fasaxo maadaama kiiskiisa oo ku saabsan lacag uu ku leeyahay Guled Kuno Mursai lagu dhameeyey meel ka baxsan maxkamadda, sida uu qorayo Nairobi News.

Ismaaciil ayaa haysta dhalashada Djibouti waxa uuna guursaday qabey gabar haysata dhalasho Kenyan ah oo lagu magacaabo Sahra Yaasiin Maxamed tan iyo sannadkii 2003-dii, waxaana ay u dhashay 8 carruur ah oo ay da’doodu u dhaxayso 9-17 jir.

Qareenkiisa Dr John Khaminwa oo isaga difaacaya, ayaa ku boorriyay garsooraha in uu si degdeg ah u baabi’iyo dacwadda maadaama uu ‘waqtigu hayo oo ay tartamayaasha aadka ugu loollamaya doorashada madaxtinimada Soomaaliya ay ku mashquulsan yihiin raadinta codadka’.

Wuxuu kaloo qarreenku ku doodayaa in musharraxani aanu sheegan doonin dhul-badeedka ay Kenya sheegatay wixii ka dambeeyey 2009-kii ee Somalia kaasoo ay xukuntay Maxkamadda ICJ, isagoo ballanqaaday inuu wax kasta wada xaajood ku xallin doono, waa sida uu qorayo isla Nairobi News.

Siyaasadda Somalia oo ah mid ka mid noocyada ugu fashilan caalamka ayaan lahayn wax hab-raac iyo nidaam ah oo qaabeeya maadaama aysan lahayn siyaasiyiin xirfadleyaal ah (career politicians) oo qaab la yaqaan kusoo baxay lana yaqaan (track record), taasoo u nuglaynaysa inay cid kasta qaban karto kursiga ugu sarreeya dalka, iyadoo ay marar badan dhacaan inay wax iska saxiixaan taasoo hadhow halis gelisa qarannimada Soomaaliya.

Hadalsame Media

 

 

Facebook Comments