Qoraayadii hore ee Galbeedku maxay ka yiraahdeen gabdhaha & guud ahaanba baxaalliyada cagsiga ah ee Soomaalida?!!

0

(Hadalsame) 08 Maajo 2022 – Smith Hempstone oo sidii aan maalin hore sheegnay Soomaalida wax ka qoray (The New Africa 1961), mar uu Soomaalidu tilmaamayay waxa uu yiri:

“Dumarka Soomaalidu waa kuwa ugu ilqabad badan (soo jiidasho leh) aduunka oo dhan, raggu waa kuwo dabci adag oo halis ah. Waxa ay u madow yihiin sida habeen barka, laakiin isir ahaan iyo dhaqan ahaan waa reer Bariga Dhexe, ma ahan Afrikaan.”

“Soomaalidu ma yaqaannaan goob dhexe (middle ground) ma jiraan wax u dhexeeya in aad jeceshahay ama in aad neceb tahay (you either like them or you don’t).”

Ingiriiskii Soomaalida la dhaqmay waxa ay ku tilmaameen dad khiyaano iyo dhagar badan. Ma ahan sida Afrikaanka kale, Soomaalidu waa dad aad “sensitive” u ah oo awooda saaxiibtinimo qoddodheer iyo nacayb dhagar badan.

“Haddii aad kasbatid xushmadda iyo saaxiibtinimada qofka Soomaaliga ah naftiisa ayuu kuu hurayaa; dhan kale maalinta uu kaa tirsado gef aad ka gashay asaga ama qabiilkiisa waxa uu awoodaa in uu ku sugo 10 sannadood ilaa uu ka helo furad uu toorrey kaaga daabo labada garan dhexdooda.”

FG: Sawirka waxaan kasoo qaadannay webka EMU

W; D: Cali M Diini

Hadalsame Media