DAAWO: Ukraine oo lasoo baxday cudud ay horay Ruushku u sheegeen inay burburiyeen & weerar xeeladaysan oo dhacay

0

(Hadalsame) 08 Maajo 2022 – Muuqaal aan lala yaabban yahay ayaa soo duubay laba diyaaradood oo ah kuwa dagaalka oo laga leeyahay dalka Ukraine oo duqeeynaya jasiiradda Snake Island ee uu Ruushku haatan ka haysto Ukraine.

Muuqaalkan oo la sii daayey Sabtidii shalay, ayaa muujinaya dayuuradaha Ciidamada Cirka ee Ukraine ee Su-27 Flankers oo duqaymo ka gaysanaya xarumo ay saanado ugu jiraan Ruushka oo halkaa qabsaday horraantii sanadkan, iyadoo meel sare ka duubayso diyaaradda Turkigu sameeyo ee TB-2 Bayraktar ee bilaa duuliyaha ah.

Daroonka ayaa deeto waxay lafteedu meesha ku ridey dhowr gantaal iyo wax loo yaqaan dhimbilaha dhuminta (IRCM) oo adeegsanaya infrared si loo khaldo oo bartilmaameed wareeriyo gantaalaha kul-raadiska ah ee lagu gano dayuuradaha, sida uu qorayo TheDrive.com.

Ciidamada Cirka Ukraine ayaa sidoo kale adeegsadey xeelad dagaal oo khatar ah, waayo waxay jasiiradda ka weerareen dhanka koonfureed taasoo ah cabbir istaraatiijiyadeed oo ku dhisan xogo ay hayeen oo u sheegay in difaaca Ruushka ee jasiiraddan ay u badan tahay in ay diiradda saaraan jihooyinka woqooyiga iyo galbeedka ee xeebta Ukraine, sida laga soo xigtey Drive.

Jasiiradda Snake Islan ayaa leh muhiimad istaraatiji ah waayo waxay Ruushku doonayaan inay haysigeeda ku xalaashadaan dhul-badeed maxalli ah oo dhan 12 nootikaal mayl oo ka tirsan xeebta Uraine.

Ruushanka oo horay u sheegtay inuu inta badan burburiyey cududdii cireed ee Ukraine, ayay tillaabadani ku noqonaysaa kedo lama filaan ah.

Hadalsame Media

 

 

Facebook Comments