DAAWO: Maxaa qabsaday dayuurad Ruushku leeyahay oo ah Mi-8 oo ciidamo daadinaysey?!

0

(Hadalsame) 08 Maajo 2022 – Waxaa soo badanaya muuqaallada, sawirrada iyo xaaladaha cabsida leh ee dagaalka Ukraine oo uu Ruushku weerar uu ku tilmaamay ”howlgal gaar ah” ku qaaday 24-kii Febraayo.

Dagaalka oo haatan 70 maalmood dhaafay, ayaa waxaa soo baxay muuqaal kale oo cabsi badan oo ku saabsan dayuurad nooca Ruuushku leeyahay ee Mi-8 oo miriqdeeda mar qura la waayayo iyada oo idil.

Dayuuraddan oo ah nooca xamuulka ah ee qumaatiga u duula ayaa ciidamo ku daadinaysey jasiiradda Snake Island ee dalka Ukraine oo ay haatan Ruushku haystaan, balse waxaa loola fiirsanayaa gantaal laga soo ganay dayuuradda Turki-sameega ah ee TB-2 Bayraktar.

Bayraktar ayaa sidoo kale ku lug lahayd weerarro kale oo cardaadiqaha ka dhigay ciidamada Ruushka ee jooga qaybo badan oo ka tirsan dalka Ukraine, waxaana ugu dambeeyey weerar Sabtigii lagu qaaday isla jasiiraddan oo ay miigag ka qaybgaleen.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media