Jen. Sakiya oo sheegtay hadal xaqiiqo ahaan biyo kama dhibcaan ah balse XIRFAD ahaan khalad ah

0

(Muqdisho) 08 Maajo 2022 – Jeneraal Sakiya Xuseen Axmed, oo ah Taliye Xigeenka Ciidammada Booliiska Soomaaliya, ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda Facebook uga faallootay arrin xaqiiqo ah farsamo ahaan, balse khalad ah xirfad ahaan marka la eego xilka ay ku magacaaban tahay.

Jen. Sakiya oo aad u adeegsata baraha bulshada ayaa barteeda soo dhigtay qoraal u dhignaa sidatan:

”Waqtigii waxaa la joogaa uu musharrax waliba waxa ajende ama manifesto (bayaan) u ah uu soo bandhigi lahaa,” ayay ku bilowday.

”Yaan lagu mashquulin far fiqiid iyo f**o faydis. Siyaasi xil dalkan ka soo qabtay oo 100% daahir ah ma jiro. Caqligu ha shaqeeyo. Yaa Ahlul Tawxiid.” ayay raacisay.

Haddaba, qoraalka Sakiya waa sax biyo kama dhibcaan ah, balse maadaama ay tahay Taliye Xigeenka Booliiska oo ay waajib tahay inaysan yeelanin aragti muuqata oo siyaasadeed waa kelmad xirfad ahaan khalad ah.

Hadalsame Media