DOORASHADA: Laba qodob oo ay khasab tahay in dhaqangeliyo si looga dhowrsado dhibka ay keeneen

0

(Hadalsame) 08 Maajo 2022 – Waxaa jira arrimo kusoo noq-noqda doorashada Somalia balse aan wax ku filan laga qabanin, tiiyoo ay daruuri tahay sida uu qoraalkani sheegayo:

Anigu laba shardi ayaan ku kordhin lahaa shuruudaha lagu xirayo qofka u sharraxan madaxweynenimada Soomaaliya.

1 – Si looga fogaado in qof 30 ama 40 sano qurbaha ku maqnaa oo shalay yimid, maanta madaxweyne loogu doorto; waa in musharraxu uu ugu yaraan 5-tii sano ee u dambeysay ku noolaa gudaha Soomaaliya.

Waa shardi caalami ah in qof dibadda ku nool aanu madaxweyne isku soo sharrixi karin. Mareykanka oo kale waxaa waajib ah in 15-kii sano ee u dambeeyay uu waddanka ku noolaa.

2 – Si musuq-maasuq iyo hanti-boob looga baaqsado; waa in musharraxu uu soo gudbiyaa tiro-koobka hantidiisa guurtada iyo ma guurtadaba ah, lana hubiyaa.

Taasi waxa ay horseed u noqon kartaa in isha lagu hayo dhaq-dhaqaaqa xoolihiisa iyo tan qaraabadiisaba, inta uu xilka hayo iyo marka uu ka degoba, si hanti uu dhacay aanu macag qaraabo ugu qorin.

Haddii kale tiihaan lee ha layskaga jiro.

Allow Alle.

Waxaa Qoray: Jacfar Kuukaay

Hadalsame Media