Arrin mar kasta ka dhacda doorashada Somalia saamayn xunna yeelata oo laga digayo

0

(Hadalsame) 08 Maajo 2022 – Si aan isula fahamno dooddeyda ku saabsan doorashada Madaxweynaha, aan ku billaabo su’aal aan is leeyahay waa ku dhowaad ma dhacdo.

Bal qiyaas haddii maalinta loo codeynayo Madaxweynaha, ay dhammaan murashixiinta kale u tanaasulaan hal murashax iyada oo aan wareegga koowaadba la gelin. Murashaxaasna la waayo cid la tartanta.

Aragtidaada, Murashaxaasi sidaa ma ku noqonayaa Madaxweyne iyada oo aan loo codeyn? Jawaabta aan la kaashanno Dastuurka.

Dastuurka waxaa ku qoran in uu Madaxweyne noqonayo Murashaxa wareegga koowaad ku guuleysta aqlabiyad ah saddex meelood laba, tirada guud ee xubnaha Labada Gole ee Baarlamaanka.

Wareegga Labaad waa sidoo kale, waxaa Madaxweyne noqonaya Murashaxa ku guuleysta saddex meelood laba, tirada guud ee xubnaha labada Gole ee Baarlamaanka.

Wareegga Saddexaad waxaa Madaxweyne noqonaya murashaxa ku guuleysta tirada ugu badan ee codadka guud ee xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka, taas oo loola jeedo cod hal dheeri ah. Dastuurka meelnaba ugama qorna ereyga Tanaasul.

Murashaxa cidina ma khasbi karto oo wuu tanaasuli karaa. Laakiin tanaasul uu murashax sameeyay, mid kale uma noqonayo buuxinta shuruudaha Madaxweyne lagu noqon karo, wareeg kasta oo markaa la joogo.

Markaa murashaxaasi saddexdii wareeg midna ma gelin, midnana ma buuxin shuruudaheeda. Aan u soo dego dulucda dooddeyda.

Dooddeydu waxay ku saabsan tahay waa natiijada wareegga labaad. Aan ka digtoonaanno sida dhacday 2017. Haddii labada murashax ee u gudbay wareegga saddexaad uu midkood tanaasulo iyada oo aan weli la codeyn, waxaa ila habboon in Murashaxa soo haray keligiis loo codeeyo si guushiisa loo waafajiyo Dastuurka.

Xataa hal cod haddii loo rido, ma jiro murashax isaga ka codad badan oo ku jira wareegga saddexaad. Sidaas ayuu ku buuxinayaa shuruudda wareegga saddexaad oo ah in uu helay cod hal dheeri ah.

Haddii arrinkaas lagu baraarugo, waxaan uga baaqsan doonnaa muran sharci ah oo laga yaabo in uu yimaado.

Fadlan ka feker, kana faalloo!

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media