Beebbe berri-biyood ah oo hilfaha u qaaday gaari kuwa ciidamada qaada ah oo Ukraine leedahay (Daawo)

0

(Hadalsame) 08 Maajo 2022 – Waxaa soo baxay muuqaal muujinaya beebbaha Ruushka ee BTR-82A oo dab ku xiraya gaari ah nooca ciidamada qaada ee Ukraine ee loo yaqaan KRAZ.

  • Beebbaha BTR-80 oo ah sideed-lugoodle (8×8) berri-biyood ah oo gaashaaman oo hal unug qaadi kara islamarkaana lagu xiro boobayaal culus iyo gantaalo fudud ayaa kasoo jeeda waagii Soofiyeedka iyadoo ciidamada la siiyey 1985-kii, waloow haatan dib loo casriyeeyey.
  1. Gaariga xamuulka qaada ee KrAZ isna waxaa sameeya dalka Ukraine waana dhowr nooc oo qabta howlo kala duwan oo waxaa ku jira wiishlayaal, abraarro, qaar ay ku xiran yihiin gantaalaha culus sida midka Neptune ee ay isla Ukraine samayso, waxaana samaysa wershad ku taalla Kremenchuk, Ukraine.

Dagaalka Ukraine oo haatan bishii 3-aad kusii socda ayaa waxaa maalin walba ka dhacaya dhibaatooyin hor leh oo gaaraya rayidka iyo ciidamada labada dhinac intaba.

A Russian armoured personnel carrier BTR-82 fires during the International Army Games 2021 outside Moscow, Russia August 24, 2021. REUTERS/Maxim Shemetov

Hadalsame Media