BOQORTOOYO SIYAASADEED: Maxaad ka taqaan qoyska reer Bush & halka ay asal ahaan kasoo jeedaan?

0

(Hadalsame) 04 Maajo 2022 – Qoyska Bush (Bush Family) waa qoys kamid ah caa’iladha Mareekanka ee hantida leh. Asal ahaan waxay ka soo jeedaan Ingiriis iyo Jarmal. Ninka la yiraahdo Samuel Prescott Bush (1863 – 1948) wuxuu ahaa wiilkii ugu horeeyey oo qoyska ugu dhasha Ameerika. Magaca caa’iladdan wuxuu ku caan baxay siyaasadda war-baahinta, cayaaraha, ganacsiga iyo madadaalada.

Awoowaha qoyska, Samuel Prescott Bush wuxuu ku dhashay oo wax ku bartay degmada New Jersey. Machad la yiraahdo Stevens Institute of Technology ee dhaca degmada ayuu wax ku bartay. Isla-machadkaas ayuu wuxuu u cayaari jiray kubadda cagta. Waxbarashadii dabadeed wuxuu tababar ku qaatey mashruuc dhismo waddo tareen oo kamid ah kamid ah mashaariicdii dhisma-hoosaadka kuwoodii ugu waawaynaa.

Mashruucaas oo ahaa mid lagu magacaabo (Pan Handle Route), wuxuu isku xirayay degmooyinka kala ah Pittsburgh, Cincinnati, Chicago iyo St. Louis. Wuxuu ahaa waddo tareen oo qayb ka ah nidaamka tareenka ee gobolka Pennsylvania, kaas oo u fidayay koonfurta iyo galbeedka dalka. Sanadkii 1894-kii wuxuu gobolka ka noqdey kormeeraha makiinadaha waawayn. Sanadkii 1901-dii wuxuu shaqo ka bilaabay shirkad la yiraahdo (Buckeye Steel Castings Company), taas oo samaysa biraha lagu dhiso waddooyinka tariinnada. Shirkadda waxaa maareeye ka ahaa Frank Rockefeller. Isagu kaas oo la dhashay ninka dhisey hantida caa’iladda oo la yiraahdo John D. Rockefeller. Ninkan danbe waxaa loo yiqiin baarkii saliidda (Oil Magante).

Samuel Prescott Bush wuxuu dhalay wiil la yiraahdo Prescott Sheldon Bush (1895 – 1972). Wiilkan oo ahaa aabihii G.W. Bush, wuxuu ka leexdey waddadii uu aabihiis ku shaqaysan jiray. Isagu si deg-deg badan ayaa looga bartay bulshada Mareekanka dhexdeeda. Wuxuu ahaa wiil dheer oo soo-jiidasho leh, cayaartoy xariif ku ah cayaaraha kala ah kubadda koleyga (baseball) kubadda xeegada (hockey) iyo goolafka (golf). Isla-markaas wuxuu ahaa fannaan heesa oo wuxuu la heesi jiray koox ay jaamacaddu lahayd oo la oran-jiray Whiffenpoof Quartet.

Samuel Prescott Bush, waxaa kale oo uu xubin ka noqdey is-bahaysi sir ahaa oo dalka ka jiray kaas oo lagu magacaabo qalfoofka wejiga iyo lafo (The Skull and Bones). Magac kale oo is-bahaysigan uu lahaa wuxuu ahaa walaalaha geerida (The Brotherhood of Death). Ururkan oo sanadkii 1832-kii lagu asaasey jaamacadda Yale (Connecticut), ayaa wuxuu yahy midka dhalay maasooniyadda caalamiga. Ninka asaasey isbahaysigan waa ninka asaasey jaamacadda Yale. Magaciisa waxaa la yiraahdaa William Hantington Russul (1809 – 1885).

Dagaalladaas waxaa ka faa’iideystey shirkado xiriir la leh qoyska, sida: Halliburton iyo KBR. Maanta, qoyska Bush ayaa loo arkaa qoyska ugu awoodda badan siyaasadda Maraykanka, waxayna hanti badan ku leeyihiin bangiyada iyo saliidda.

Dagaalkii I-aad ee dunida wuxuu kaga qayb-qaatay isaga oo ah dhamme ka tirsn ciidamada madaafiicda goobta. Wuxuu ku dhaawacmay weerarkii ugu danbeeyey ee xulufada ay ku qaadey dhamaan jabhadihii galbeedka uga furnaa ciidanka Naaziga. Weerarka uu ku dhaawacmay wuxuu ka dhacay howdka buuraleyda ah ee la yiraahdo (Argonne Forest) ee dhaca waqooyiga Fransa. Sidaaa darteed ayaa weerarkaas waxaa loo yaqaan (Argonne Forest offensive). Dagaalkaas waxaa ka faa’iideystey shirkado xiriir la leh qoyska oo ay kamid yihiin Halliburton iyo KBR. Maanta, qoyska Bush ayaa loo arkaa qoyska ugu awoodda badan siyaasadda Maraykanka, waxayna hanti badan ku leeyihiin mu’asasaadka bank-iyada iyo saliidda.

Goor uu ka soo laabtey dagaalkii, ayaa waxay is-barteen gabar la yiraahdo Dorothy Walker (1929 – 1922). Gabadhan oo ay is-guursadeen ayaa waxay u dhashay shan caruur ah oo uu ugu wayn yahay Geoge H. W. Bush (1924 – 2018). Gabadhan Awoowaheed David Davis Walker (1840 – 1918) wuxuu ahaa raggii bidoodka lahaa.

Beer wayn oo uu lahaa ayay uga shaqayn jireen. Arintaasi waxay gayeysiisey in uu uga gudbo ganacsi raashinka qallalan. Degmada St: Louis ee gobolka Missouri yuu ku lahaa dukaamo waawayn. Hantidii uu odeygaas sameeyey waxay ku danbeysey George Herbert Walker oo isagu ah Dorothy aabaheed. Ninkan ayaa hantidii u wareejiyay shirkad saraafad ah. Wuxuu shaqaale saraafadeed oo heer fulin ka noqdey Wall Street. Wuxuu noqdey xil-dhibaan aqalka sare u matala gobolka Connecticut.

Sanadkii 1933-kii, Samuel Prescott Bush isaga oo wata magaca is-bahaysiga walaalaha geerida, ayuu wuxuu ka shaqeeyey in af-gembi lagu sameeyo madax-wayne Franklin D. Roosevelt. Waxaa maal-gelinayay afarta caa’iladood oo aanu soo xusney Rotshiild, Rookfiller, Moorgan iyo Du Bont. Ujeeddadu waxay ahayd in Ameerika laga xasiliyo dicaayadaha faashistiga keli-taliska ah.

Sida aanu soo xusney, George H. W. Bush oo ah wiilka u hanaqaadey qoyskan ayaa wuxuu noqdey madaxa sir-doonka Mareekanka CIA, madax-wayne ku-xigeen iyo madax-waynihii 41-aad ee Mareekanka. Qoysku waxay kamid yihiin qoysaska hodanka ah oo hantidooda ay gaarsiisey in ay siyaasadda caalamka door ka cayaaraan. Iyagu waxay dowladda Mareekan hoggaaminayeen dagaalladii uu Mareekanku ku qaadey Ciraaq iyo fgaanistaan.

W; D: Dr. Saadiq Enow

Hadalsame Media