Somalia oo loo saadaaliyey inay xoori doonto furka FAQRIGA & hal cillad oo durba muuqata oo laga cabsanayo

0

(Hadalsame) 04 Maajo 2022 – Somalia waxay leedahay dhaxal adag oo qaraar. 40 sano oo dagaallo sokeeye ah iyo masiibooyinka dabiiciga ah ee socda, oo ay ku jiraan abaaro iyo fatahaado, ayaa dhaliyay barakaca laba milyan oo muwaadiniin ah. Ku dhowaad 70% dadka Soomaaliyeed waxay ku nool yihiin meel ka hooseeysa heerka faqriga caalamiga ah ee $1.90 maalintii.

Dalku wuxuu aad ugu tiirsan yahay gargaarka bini’aadminnimo ee caalamiga ah iyo inta yar ee ay soo xawilaan Soomaalida dibadda ka shaqeeya ama ku nool. Beeraha, oo ay ku jiraan xoolaha iyo dalagyada, ayaa weli ah in ka badan 70% dhaqaalaha dalka.

Ha yeeshee, sida uu qorayo African Report, waxaa haatan soo bidhaamaysa rajo lagu quuddarraynayo inay Somalia markale xoorto furkii faqriga taasoo ku saabsan in dalka laga soo saaro shidaal, iyadoo ay soo laabanayaan shirkadihii heshiiska sahminta ahaa kula jirey Somalia kahor dagaalka sokeeye.

2019, Exxon iyo Shell waxay bixiyeen $1.7m oo doollar oo ah waxa loo yaqaan bixinta dhaxalka ee 1990-2008 oo loogu lahaa heshiis hore oo sahmin ah. Lacagtan ayaa ahayd tii ugu horreeysey ee loo qaybiyo Dowladda Dhexe iyo Maamul-goboleedyada sida uu dhigayo heshiiska cusub ee wadaagga dakhliga.

2020-kii, dowladdu waxay meel marisay sharciga batroolka kaas oo hoos imaanayey hay’adda Batroolka Soomaaliyeed si ay u maamusho wershadaha iyo hagida heshiisyada qandaraaslayaasha caalamiga ah. Sidaa darteed, wareegtada cusub ee shatiga ee todobada baloog ayaa awood u leh in ay dakhli aad u wayn u soo saarto Somalia iyo gobolladeeda. Cilmi-baadhisyo la sameeyay oo Geoseismic ah ayaa muujiyey in Soomaaliya laga yaabo inay leedahay kayd shidaal iyo gaasta gaaraya ugu yaraan 30 bilyan oo fuusto, balse tani waxay qaadanaysaa waqti si loo horumariyo, maadaama sahmin tifaftiran ay qaadan karto 3 ilaa 5 sano, kaddibna wax-soo-saarku bilaabmi karo.

Si kastaba ha ahaatee, warka wanaagsan ayaa ah in heshiisyada sahminta iyo soo saarista ay u qaabaysan yihiin si ay Somalia uga faa’iidaysan karto xitaa kahor inta aan lasoo saarin shidaalka. Kahor bilowga sahminta, maalgeliyaha caalamiga ihi wuxuu bixin karaa $1m oo gunno saxiix ah, iyo sidoo kale gunnooyin kale oo gaar ah. Waxa kale oo jiri kara kharashka royalty-ga, kharashka shatiga iyo kirada dusha sare iyo sidoo kale canshuuraha kale ee lagu bixinayo inta howlahaa lagu jiro.

Dhammaan lacagahaas soo xarooda waxaa loo qaybsadaa Dowladda Dhexe iyo Gobollada iyadoo loo eegayo heshiiska saami qaybsiga.

FALANQAYN – Yeelkeede, dhibka haatan muuqda waa in musuqa baahsan iyo hunguri waynaanta caadada u ah siyaasadda Somalia ay shidaalka dalka ka dhigto mid ay ku cayilaan jeebabka dad gaar ah, balse aan wax badan ka bedelin nolosha liidata ee dalka sida ka dhacday dalal badan oo Afrika iyo Laatiin Ameerika ah oo shidaalkooda lagu tilmaamay mid inkaaran, halkii khayraadka ummadda loo qaybin lahaa sida Khaliijka, Norway, Purma iwm.

Sabab? Waayo haatanba lacagahaas aannu soo sheegnay ee laga qaadayo sharikaadka wax sahmiya cidina isma waydiiso meel ay ka baxdayna lama yaqaan, iyadoo ay xitaa maamullada Somalia bixiyaan shatiyaal kalluumaysi iyo kuwa lagu baarayo macaadin qaali ah oo aan lagula xisaabtamin.

Hadalsame Media