Murankii ka taagnaa Safaaradda Somalia ee Talyaaniga oo weji hor leh qaatay (Maxaa cusub?)

0

(Roma) 04 Maajo 2022 – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga, Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, ayaa soo saaray War Saxaafadeed uu kaga hadlayo sababta uu ku yimid khilaafka ceebaysan ee u dhexeeya asaga iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda DF Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, kaasoo dhowaan sheegay inuu xilka ka qaaday Danjirahan.

Danjire Ciise oo qoraal dheer oo uu ku dhaliilayo sida uu arrintan u wajahayo soo saaray ayaa bayaankiisa ku bilaabatay sidan soo socota:

KA JAWAABID WARSAXAAFADEEKA WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA JFS EE 1da MAY 2022

Waxaan warbaahinta maxaliga ee dalka Soomaliya ka akhristay War-Saxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga (WADIC) J.F.S. soo saartay 1da May 2022 oo ay ku cambaareynayeen Danjire Cabdiraxmaan Sheikh Ciise, Safiirka Ambabaxaya (Out-going Ambassador) ee Safaaradda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Rome ee dalka Talyaaniga.

Waxaa nasiib darro ah in War-Saxaafadeedka Wasaaradda, oo dabcan lagu soo saaray amarka Wasiirka, Mdn. Cabdisaciid Muuse Cali, lagu dafiray in War saxaafadeedkaasi lagu xusi waayo dhacdadii foosha-xumayd ee sumcadda Qaranka Soomaaliyeed meel looga dhacay. Waxaa xaqiiqo ah in xoog kula wareegidda Safaaradda uu dhacay habeenimada 7da April, 2022, waxaana hormuud ka ahaa Sii-Hayaha Safaaradda Magacaaban (The Designated Charge Affairs) Mdn. Axmed Cabdiraxmaan Sheikh Nuur, isagoo kaashanaaya seddax diblomasiyiin kale.

Waxa aroornimada April 8, 2022 ay beddeleen furooyinka xafiisyada safaaradda, waxayna hore u qaateena furooyinka Baabuurta Safaaradda lahayd. Waxaa kaloo xaqiiqo dhab ah in anigoo ah safiirkii hore ee Safaradda Talyaaniga aanay jirin meel aan xilkii safaaradda si rasmi ah ugu wareejiyay Mdn. Axmed Cabdiraxmaan Sheikh Nuur. Arrintaas oo wali taagan waxeyna caddayn u tahay in safaaradda sifo aan sharci ahayn loola wareegay eraybixinti la doono haloo fasirtee (inqilab, xoog kula wareegid, iwm).

Isla markii ay sidaasi wax u dhaceen, waxaan warbixin qoraal ah u diyaariyay una diray Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiir-Ku-xigenka iyo Wasiiru-Dowlahaba, Ogeysiisna u siiyay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha JFS. (Eeg warqadda Sumadeedu tahay Prot: SER/I/50/2022 ee April 11, 2022,)

Arrinta la xiriita u yeerista safiirka, waxey aheyd u yeerid wadareed oo lix Diblomaasiyiin oo ka tirsan Safaaradda Rome loogu yeeray iney hal mar soo wada galaan Muqdisho 25-ka December 2021. Safiirka, wuxuu talo qoraal ah u gudbiyay Wasaaradda, maadaama soo gelitaanka wadareed ay kalifeyso in Safaaradda la xiro, lagana yaabo inay abuurto mushkilo firaaq u adeegidda bulshada iyo tuhun ka dhalan kara cilaaqaadka Talyaaniga iyo Somaliya. (Eeg Warqadda Prot: SER/I/149/2021 ee 13/12/2021).

1 Waxaa kalo xusid mudan, in habeenimada 13-ka April 2022 inuu Madaxweynaha JFS, Mdn. Maxamed Cabdulaahi Maxamed uu ila soo xiriiray isagoo muujiyay in uu aad ula fajacay sida ay wax u dhaceen iyo isbeddelka Safaradda lagu sameeyay. Wuxuuna igu yiri “Waa arrin fool-xun dib ayaa lagaala soo xiriiri doonaa”. Wax yar kadib, waxaa teleefoon igu soo wacay Wasiir Cabdisaciid Muuse oo markale si faahfaahsan aan sharaxaad waafi ah uga siiyay nuxurka warbixintii qoraalka aan horay ugu diray taariikhda April 11, 2022, haseyeeshee uu doorbiday in aanu ka soo jawaabin arrinta la xiriirta Xoog kula wareegidda safaaradda.

Waxa aan aad ugu dadaalay in arrintaasi aanay faraha ka bixin, sidaas darteed waxaa si aan mugdi ku jirin, isku afgaranay aniga (Safiirka) iyo Wasiir Cabdisaciid Muuse, qoraal noqda raad-raac (memorandum) oo ku qoran qodobada muhiimka ee soo socda: (1) In sida ugu dhaqsi badan Safaaradda loogu soo celiyo jawigii caadiga ahaa ay ku howlgeli jirtay; (2) Furooyinka Safaaradda dib loogu soo celiyo Abukar Gacal oo ahaa ilaaliyaha safaaradda muddo 30 sano; (3) In Safiirku dib ugu soo laabto Safaaradda, si uu xilka u wareejiyo; (4) In Danjiraha Cabdiraxmaan Sheikh Ciisa uu ambabaxayo marka uu xilka wareejiyo; (5) In Mushaharadii Saddexbiloodlaha 2022 (Jan-Feb-Mar) oo Wasiirku hore u Joojiyay loo soo diro Safiirka. (Eeg Warqadda Prot: SER/I/87/2022 ee 14 April 2022).

Waxaase nasiib darro ah in Wasiir Cabdisaciid Muuse uu doorbiday isagoo marin- habaabinaya dadweynaha Soomaaliyeed inuu Warsaxaafadeeka uu soo saaray cinwaan uga dhigay in: “Safaaradda Soomaliya aanu afgembi ka dhacin”. Isagoo og in safaaradda xoog lagula wareegay.

Waa dhab in Wasiirku soo magacaabay Sii-Hayaha Safaaradda, isla markaana uu danjarahii horena la beddelay. Sidaas darteed, waxaa lama huraan ah, in labada shaqsi ay Xil-wareejin damestiran ku kala qaataan Amanaada Qaranka oo maamulkeeda loo xilsaaray. Nasiib darase, taasi ma dhicin maadaama Sii-Hayaha Safaaradda uu si aan leex-leexad lahayn xoog kula waregay Safaaradda, xilwareejina diiday.

Waxaan ku dadaalay in bulshadii aan u adeegi jirnay oo ka carootay sida wax u dhaceen inaan dejiyo, una sheego in isbedelkuna uu meerto yahay. Waxa dhab ah in Wasiir Cabdisaciid uu ilaa hadda uu ka gaabiyay xilkii kaga aadanaa xalinta mushkiladaas. Dareenkeyga shaqsiga ah iyo xogta jirta waxay muujinaysaa in Wasiir Cabdisaciid Muuse uu dabada ka riixayay in xoog lagula wareego safaaradda.

2 Arrinta ku sabsan ku takrifal awoodeed iyo maamulka safaaradda waa wax kama jiraan. Shantii sano iyo bar oon Safaaradda Rome aan mas’uul ka ahaa, kama dhicin wax dhaliil ah, waxaana isoo martay shan Wasiir Arrimo Dibadeed. Sidaas darteed, arrinta uu wasiirka hadda lasoo booday waa wax kama jiraan. Waxaase looga fadhiyaa inuu Wasiirku uu marag-muujin cad inuu kasoo bandhigo. Haseyeeshee, maamulka u bahan in la saxo waa dhibta ka taagan Wasaaradda oo ugu horeyso xulashada iyo magacaabidda diblomaasiyiinta, taasoo Wasaaradda ay ka gaabisay inay mudnaanta siiso aqoonta guud iyo midda xirfadeedka shaqsiga, kartida, waayo aragnimada iyo hufnaanta shaqsiga.

Safaaradda Rome, waxaa hadda ku sugan Diblomaasiyiin aan shaqeyn karin, oon laheyna hab dhaqan-shaqo (work ethics), balse aaminsan iney Safaaradda ku joogaan 4.5. Arrintaas oo markuu bishii December 2021 uu Wasiir Cabdisaciid Muuse booqasho ku yimid Talyaaniga uu indhahiisa ku arkay kadib kulankii uu la yeeshay Diblomaasiyiinta Safaaradda Rome. Waxaa kulankaasi wasiirka ku weheliyay, goob joog iyo marqaatina ka ahaa Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Mudane Cabdulaahi Abukar Xaaji.

Gunaanadkeena waxuu yahay, sida kor lagu soo xusay, fekerka ay Wasaaradda dooneyso iney shicibka usoo gudbiso waa mid aan sal laheyn. Anigu waxaan shaqsi ahaan Qaranka Soomaaliyed usoo shaqeynayay muddo aad u dheer, waxaan waayo aragnimo u leeyahay: dad-wadeednimo (leadership), qancin, samir, hal-abuur, maamul iyo maareyn wanaag iyo dishiblin, taasoo marqaati buuxda ka yihiin intii aan la soo shaqeeyay.

Sidaas darteed, waxaan ka codsanayaa Madaxweynaha JFS iyo Ra’isul Wasaaraha JFS, iney tilmaan cad iga soo siiyaan wixii aan ka yeeli lahaa Xilwareejinta la diiday. Siiba, mas’uuliyadda hantida Safaaradda ku leedahay dalka Talyaaniga oo ah hanti Qaran oo qeymo leh.

———— DHAMAAD ————

Hadalsame Media