”Xusuusta wixii idinku dhacay Dagaalkii 2-aad” – Ruushka oo u digey Baarlamanka Jarmanka ee Bundestag

0

(Moscow) 03 Maajo 2022 – Dmitry Medvedev, oo soo noqday Madaxwaynaha Ruushka intii u dhaxaysey 2008 ilaa 2012-kii, ayaa si maldahan u soo qaatay sidii uu Jarmalka ugu dhamaaday Dagaalkii Labaad ee Adduunka, kaddib markii sharci-dajiyeyaasha Berlin ay taageereen in hub culus la geeyo Ukraine.

Qoraal uu ku daabacay kannaalka Telegram-kiisa, Medvedev waxa uu soo jeediyey in sharci-dajiyayaasha Jarmalku ay ka masayraan “dhalaalka madaxdii ka horreysay oo ku fadhiiyey baarlamaanka Jarmalka magac ka duwan midkooda haatan qarnigii hore.” Sarkaalka Ruushku wuxuu ka digey in sidii horay u dhacday ay markale “murugo soo wajahdo” Baarlamaanka Jarmalka.

Ninkan oo ah olog aad ugu dhow Madaxweyne Vladimir Putin waxa uu hadda yahay Guddoomiye ku Xigeenka Golaha Ammaanka ee dalka Ruushka.

Hadalka Medvedev ayaa yimid wax yar kaddib markii baarlamaanka Jarmalka ee Bundestag uu meel mariyey mooshin ay ku dalbanayaan in Xukuumadda Federaalka ah ee Berlin ay hub ka culus oo ka adag gaarsiiso magaalada Kiev, si Ukraine ay u hesho qalab wanaagsan oo ay isaga difaacdo weerarka Ruushka.

Kaddib dhamdaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka 1945-kii, waxaa Jarmanka kala qaybsaday Galbeedka iyo Midowgii Soofiyeetii oo Hitler la wada dagaallamayey, iyadoo bariga Jarmanka uu ka talinayey Soofiyeedku ilaa 90-kii, halka Galbeedka ay xukumayeen Maraykanku.

Hadalsame Media