Venezuela oo shalay xustay arrin ay sheegtay inay Somalia kala dhexeeyso oo ay xoojinayaan (Waa maxay?)

0

(Caracas) 03 Maajo 2022 – Xiriirka dalalka Mauritius iyo Soomaaliya, waxaa la asaasay Maajo 2, 2005, waxayna ku celiyeen inay danaynayaan xoojinta xiriirka labadan dal ee Afrikaanka ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa barteeda Twitter-ka ku xarriiqday “rabitaanka ay ku doonayso in ay si wadajir ah ugala shaqeyso” Dowladda Mauritius “korinta iyo hirgelinta tallaabooyinka is kabaya, walaaltinnimada iyo wadajirka.”

Sidoo kale, waxay ka hadleen “ujeedada dhabta ah ee ay ku doonayaan in lagu adkeeyo xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, dhaqanka iyo farsamada” ee uu dalkoodu la leeyahay maamullada Soomaaliya.

Bishii Jannaayo ee la soo dhaafay, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Venezuela, Félix Plasencia, ayaa dhiggiisa Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, kala hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta isbaheysiga dhaqaalaha, xiriirka labada dal iyo iskaashiyo dhinacyo badan leh, wada hadal ay ku wada qaateen khadka taleefanka, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda.

Wasiirku si kastaba ha ahaatee, ma uusan caddayn arrimaha la xiriira isbaheysiga dhaqaalaha ama iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac ee ay doonayaan inay xoojiyaan.

Sawirka: Wasiirka arrimaha dibadda ee Venezuela, Felix Plasencia.

Hadalsame Media