Maxaad ka taqaan qoyska qura ee 70% iska leh DAHABKA caalamka lagu kala iibsado & saamiga ugu badan bankiga daabaca Doollarka Maraykanka?!

0

(Hadalsame) 03 Maajo 2022 – Qoyska Moorgan (Morgan Family): waa qoys Mareekan ah oo ku hodmey saraafadda bankiyada. Waa qoys lagu sheego in ay farsamo ku kordhiyeen dhaqaalaha iyo wershadaha Mareekanka. Waa boqortooyadii hantida. Hub iyo dheeman ayay ku qabsadeen dunida. Iyaga ayaa xukuma bank-iyada Ameerika. Magaca qoyska wuxuu ka soo jeedaa nin la yiraahdo John Pierpont Morgan (1837 – 1913). Isagu wuxuu ahaa maal-geliye Mareykan ah, kaas oo xukumay dhaqaalaha shirkadaha Wall Street.

Wuxuu madax ka noqdey shirkad bank-iyo oo magaciisa qaadata, taas oo ah JP Morgan Co. Ninkan ayaa wuxuu ahaa caqligii ka dambeeyay mawjadaha isku-dhafka warshadaha ee Maraykanka oo socday dabayaaqadii qarnigii 19-aad iyo horraantii qarnigii 20-aad. Isagu, shaqada bank-iyada wuxuu ka dhaxley aabihiis Junius Spencer Morgan (1813 – 1890) oo ahaa sarifle iska-lahaa bankiyo faracyo badan ku lahaa Mareekanka.

JP Morgan, isaga oo 20 sano jir ah ayuu ku biiray banki-yada 1857-aad isaga oo sii maraya faracyo banki uu aabihiis lahaa. Faracyada uu ka soo shaqeeyey waxay ku kala yiileen London, New York, Duncan, Sherman & Company, wakiilka Maraykanka ee George Peabody & Company. Laga soo bilaabo 1860 ilaa 1864, wuxuu u shaqeeyay sidii wakiil shirkad aabihiis ee New York. Laga soo bilaabo 1864-1872, wuxuu xubin ka ahaa Shirkadda Dabney, Morgan & Company, iyo 1871-kii oo ay isbahaysi la yeesheen Drexel ee xarunteedu ahayd (Philadelphia). Shirkaddii ahayd New York ee Drexel waxay markaas noqotey Morgan & Company. Meelahaas kala duwan oo uu ka soo shaqeeyey waxay gayeysiisey in ay is-bartaan rag badan oo muhim ah, kuwaas oo isugu jira siyaasiyiin, hantiilayaal iyo maamulayaal shirkado. Xiriirkaas ayuu u adeegsadey in hankiisa iyo hal-abuurkiisa uu kordhiyo.

Soo if-baxa magaca JP Morgan ee fagaaraha maaliyadda waxaa garab socday loolan muhiim ah. Waxaa xusid mudan, xilligii ay is-weydaaranayeen labada qarni (19-aad iyo 20-aad), waxaa Ameerika ku xoogeystey farsamada dhismaha waddooyink tariinka ee dhulalka fog isku-xira. Baahid uu dalku u qabay fududeynta isu-socodka dalkaas wayn, waxay sababtay in howlahan ay si deg-deg badan u fidaan. JP Morgan si xooggan ayuu uga qayb-galay mashaariicdan, isaga oo mideeyey shirkado waawayn oo howshan ka shaqeynayay. JP Morgan markaas ku guuleystey in uu wax ka beddelo warshado badan, oo ay ka mid yihiin wershadaha korontada, wershadaha qalabka lagu dhiso jidadka tariinka, iyo wershada birta.

Isagu wuxuu hormood ka ahaa curinta dhawr shirkadood oo u xuub-siibtey heer caalami ah, taasina waxay ka danbeysey markii ay saamiley badan ay ku biireen. Waxaa kamid ah shirkadda biraha (US Steel) oo iyadu noqotey shirkaddii ugu horeysey oo hantideeda ay gaadgo hal bilyan oo dollar.

Waxaa kamid ah korontada (General Electric) oo iyadu noqotey shirkaddii ugu horeysey oo guryaha gelisa korontada. Waxaa kale oo kamid ah shirkadda sameysa agabka beeraha looga shaqeeyo (Harvester International). Isaga oo adeegsanaya habab ganacsi, wuxuu aad ugu guulaystay inuu muujiyo awoodiisa mid ka mid ah ganacsatada ugu saamaynta badan Maraykanka.

Sidaa darteed ayaa waxaa jiray shirkado badan oo hoos yimid kormeerkiisa. Isaga iyo raggii la shaqeynayay waxay sidoo kale danaynayeen xakamaynta ganacsiyo kale oo badan oo Maraykan ah oo ay ku jiraan shirkadda caafimaadka (Aetna), bank-iga Western Union, Shirkadda Baabuurka ee (Pullman Car Company) iyo dhisidda 21 waddo tariin.

JP Morgan hantida ay qoyskiisu yeesheen darteed, wuxuu noqdey xilligiisii nin ay dowladda Mareekanka ka dalbato mushkiladaha dhaqaale ee soo wajaha in uu la xalliyo. Taariikhyahanadu waxay ku sifeeyaan qoyska Morgan oo ay weheliyaan shabakadahooda kala hawl-gala saraafadaha in ay qayb xoog leh ka noqdeen dhismaha boqortooyada weyn ee bangk-iyada Maraykanka ee loo yaqaan House of Morgan. Xilligaas Ameerika waxay ahayd qaarad si deg-deg badan u dhismeyse. Hantiilyaal badan oo reer Yurub ah ayaa lacagahooda halkaas la beegsanayay si ay maal-gashi ugu sameystaan. Laakiin nasiibdarro waxaa ku dhacay sicir-bararkii dalka haleeley xilligii ay is weydaaranayeen labada qarni.

Maanta, qoyskan waxay leeyihiin 70% dahabka caalamka. Waxay leeyihiin saamiga ugu wayn ee bankiga keydka federaalka Mareekanka. Waa bankiga daabaca lacagta dollarka. Waxaa kale oo qoyskan ay saami xooggan ku leeyihiin wershadaha shidaalka, wershadaha dawooyinka, wershadaha sigaarka iyo inta badan bankiyada World Street.

W; D: Dr. Saadiq Enow

Hadalsame Media