Soomaalida oo aysan waxba iska bedelin sidii ay u dhaqmi jirtey 82 sano kahor (Arag caddayntan)

0

(Hadalsame) 30 Abriil 2022 – “Soomaalidu runtii ma jeclayn in lagu tiriyo Afrikaanka oo waxay dalbanayeen dhar iyo raashin ka duwan kan Baantuuga. Askarta Baantuugu waxay jeclaayeen kala dambaynta (dishibiliinka), Soomaalidu laakiin waa necbaayeen.

“Soomaaligu wuxuu u dagaallamaa si uu isagu qof gaara u noqdo. Baantuugu wuxuu jeclaa wadajirka iyo dugsashada kooxda ciidanka ah, inuu amarka qaatana waa ku fiicnaa.

“Soomaaligu waa ka xanaaqayey amar qaadashada wuxuuna jeclaa nolol xor ah oo aan nidaam la raacayn iyo inuu isagu qabto hawl uu si gaar ah abaal ugu sheegto. Baantuugu wuxuu lahaa dulqaad.

“Soomaaligu waa inuu naftiisa celceliyaa xataa markuu baranayo hubka oo ay weliba aad u jeclaayeen. Waxaan arkay Soomaali macallinkii hubka barayey ka faramaroojiyey qorigii si uu u tuso inuu yaqaan sida loo furfuro. Wuxuu dhibsanayey in wax uu fahamsan yahay loogu celceliyo.”

Hanley, Warriors, Life and Death Among Somalis. (1940aadkii ayuu ninkani joogay Soomaaliya).

Raggaasaa la leeyahay xeerar baarlamaan iyo dastuur ku socda.

W; D: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media