Ruushka & Ukraine oo soo saaray tirada hubka ay kala qabsadeen ilaa haatan

0

(Hadalsame) 29 Abriil 2022 – Dagaalka Ruushku ku weeraray Ukraine ayaa haatan holcaya 2 bilood iyo 5 maalmood isagoo aan u mid dhowaan hakan doona.

Yeelkeede, waxaan eegaynaa khasaaraha ay qolo kasta sheeganayso inay dhinaca kale gaarsiisey.

Taangiyada
Ukraine waxay u sheegtay Oryx inay Ruushku lumiyeen 368 taangi kuwaasoo 42 laga tegey 149 kalena ay qabsadeen iyagoo caafimaad qaba.

Dayuuradaha qumaatiga u duula
Ukraine waxay sheeganaysaa 38 xabo oo ay ku jiraan qaar la burburiyey, qaar la qabsaday iyo qaar laga tegey.

Ruushka ayaa isagu sheeganaya inay Ukraine lumisay 141 diyaaradood, 110 helikobter ah, 538 daroon, 261 hababka gantaalaha lidka diyaaradaha.

2,471 taangiyada iyo gaadiidka gaashaaman ee AFV-yada, 274 hubka dhuumaha badan leh, 1,075 xabo oo madaafiic ah iyo hoobiyeyaal, iyo 2311 unugood oo ah qalabka gaarka ah ee lagu xiri baabuurta millateriga.

Sawirka: Qoriga Ruushku casriyeeyey ee ZSU-23-4M SHILKA.

Hadalsame Media