Ruushka oo Ukraine keenay hub kale oo aan abid horay dagaal loogu adeegsan & hab-howleedkiisa cajiibka ah + Sawirro

0

(Hadalsame) 30 Abriil 2022 – Miino ah nooca lidka taangiga ee Ruushku sameeyey oo aan horay abid loogu arag goob dagaal ayaa lagu arkay dalka Ukraine, sida ay wararku sheegayaan.

Markii la taabto, miinada PTKM-1R waxay u boodaysaa hawada sare ilaa 100 cagood, kahor inta aysan kusoo noqon bartilmaameedkeeda, kaasoo ay ku qaadayso weerar halis ah oo qarax sidii roobkii usoo daadinayso.

Dareemayaal miinada ku jira ayaa waxay ogaanayaan dhawaqa baabuurta soo socota, waxayna barbardhigaysaa codad horay loogu barnaamijeeyey.

Taasoo ay khubaradu sheegeen, inay ka dhigan tahay inaysan la kicin doonin marka baabuurta rayidka ihi ay ag marayaan.

Sida ku qoran The Daily TelegraphRuushka ayaa miinadan 45lb PTKM-1R ciidankiisa siiyey 2020-kii.

Dadka hubka falanqeeya ayaa sheegay inay la mid tahay nooca Maraykan-sameega ah ee  M93 Hornet Wide-Area Munition, oo iyaduna mino beleeysan.

Hadalsame Media