MW Putin & Zelensky oo shir caalami ah ka wada qaybgelaya (Waa kee dalka Muslimka ah ee isu keenaya?)

0

(Hadalsame) 30 Abriil 2022 – Madaxwaynayaasha labada dal ee uu ka dhaxeeyo iskahorimaadka qaraar ee hubeysan, Vladimir Putin-ka Ruushka iyo Volodymyr Zelensky ee Ukraine, ayaa labaduba ka qeybgali kara shirka G20 ee ka dhacaya jasiiradda Bali ee Indonesia bishan Nofeembar, sida uu sheegay hoggaamiyaha waddanka martigelinaya.

Intii lagu guda jiray khudbadiisii khadka tooska ahayd Jimcihii, Madaxwayne Joko Widodo ayaa wuxuu sheegay in Putin uu taleefoonka ugu xaqiijiyey inuu ka qaybgeli doono dhacdada caalamiga ah.

“Waxaan kaloo ku casuumey Madaxwayne Zelensky inuu ka soo qayb galo shir-madaxeedka G20,” ayuu ku daray Madaxweynaha Indonesia, isagoo xaqiijiyey hadal hore oo ka soo baxay hoggaamiyaha Ukraine.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa Jimcihii sheegay in Ruushka “uu isu diyaarin doono shir-madaxeedkan” laakiin weli wax go’aan ah lagama gaarin qaabka iyo haddii Madaxwayne Putin uu u duuli doono Bali ama uu khudbad ka jeedin doono isagoo adeegsanaya muuqaal toos ah.

Si kastaba ha noqotee, Peskov wuxuu xaqiijiyey in Madaxwaynaha Ruushka uu wadahadal taleefan oo “aad u wanaagsan” la yeeshay Widodo maalin kahor.

G20 oo ay ku jiraan dhaqaalayowga ugu sarreeya dunida ayay Ruushku xubin ka yihiin balse Ukraine kuma jirto, iyadoo ay Galbeedku ku fashilmeen inay Indonesia ku cadaadiyaan inay shirka u diiddo Ruushka.

Hadalsame Media