“Waxaa Safaaradda najaar keensaday nin ay Farmaajo ilmo adeer yihiin” – Talyaaniga oo la yaabban waxa ka socda Safaaradda Roma & hal arrin oo ay baarayaan

0

(Roma) 30 Abriil 2022 – Waa iska hor imaad furan oo ka dhacay Safaaradda Soomaaliya ee degmada Prati ee magaalada Roma, kaasoo u dhexeeya diblamaasiyiintii hore iyo kuwa cusub isagoo socdey labaatan maalmood, sida uu qorayo La Repubblica.

Wakiilka cusub ee laga soo magacaabay dhanka Dowladda Muqdisho oo ay ilmo adeer yihiin Madaxweynaha hadda talada haya ee Soomaaliya ayaa isku soo xirey gudaha, sida ay qorayso warbaahinta Talyaaniga.

Axmed Cadbiraxmaan Nuur ayaa quful ku jebiyey guriga, waxaana uu ka saaray Danjirihii isaga ka horreeyey ee Maxamed C/raxmaan Sheekh Ciise oo aan wali dhameysan mudadii uu xilka hayn lahaa, sida uu laftiisu u sheegay booliiska.

Waa kiis xasaasi ah, oo ka taagan bartamaha caasimadda Talyaaniga, kaasoo ku saabsan siyaasadda Soomaaliya ee qaska badan, isla markaana xafiiska xeer ilaalintu uu hadda ku baarayo in dhismaha Safaaradda si sharci darro ah loo galay iyo in la ogaado inay meesha isku hayaan dad awood ku hardamaya, ayuu raaciyey warqaadku.

Afgembigani wuxuu dhacay Abriil 7-deedii. Saqdii dhexe ee habeenka, diblamaasiga cusub, oo ku socda jagada “ku simaha” (ma aha Safiir rasmi ah), ayaa wuxuu soo galay dei Gracchi lambarka 305 isagoo keensaday bir-tun iyo najaar si furayaashii hore loo jebiyo kuwa cusubna loogu sameeyo dhismaha.

Kaddibna Danjirihii hore ee Ciise ayaa lagu wargeliyey inuusan soo geli karin Safaaradda oo uu 4 sano madax ka ahaa iyadoo aanu dhicin wax maamuus xil wareejin ah.

Deeto Ciise ayaa u tegey Booliiska Degmada Prati oo ay Safaaraddu ku taallo oo uu u sheegay in “Safaaraddii la afduubtay oo uu waajibkiisii gudan la’yahay.”

Booliiska iyo Dacwad Oogaha kiiskan oo arrintan u wajahaya si taxaddar leh si aysan u jebin wax maamuus diblomaasiyadeed ah ayaa baaraya in duullaankii jidka via dei Gracchi uu yahay mid si toos ah looga soo fasaxay Madaxtooyada Muqdisho, si xoog meesha looga saaro Sheekh Ciise iyo haddii uu ahaa mashruuc uu si madax bannaan u sameeyay Cadbiraxmaan Nuur.

Arrintan ayaa waxaa wax badan ka qoraya saxaafadda Talyaaniga sida Libero, Primato Nazionale iwm iyagoo ku fasiray inqilaab (colpo di stato), waana arrin ay ka muuqdaan hunguri, hanyari qaran, talo xumo, awood boob iyo xeerin la’aan.

Hadalsame Media