Yaa ugu dambayn hadda sugaya aminiga doorashada Golaha Shacabka?

0

(Hadalsame) 27 Abriil 2022 – Weli waxaa loo ballansan yahay in guddoonka Golaha Shacabka lagu doorto teendhada Afisyoni balse waxaan haddana cadeyn inay dhici doonto doorashada iyo inkale sababo la xiriira khilaaf dhanka amniga oo xalay soo shaac baxay.

Madaxwaynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa iska mari waayey oo laba dhinac ka istaagey cidda sugaysa ammaanka goobta doorashada, waxaa sidoo kale doodi ka taagan tahay xildhibaannada matalaya gobolka Gedo.

Yaa hadda sugaya aminiga doorashada Golaha Shacabka?

.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa doonaya in hawlgalka ATMIS uu gebi ahaanba sugo amniga teendhada, halka Madaxwayne Farmaajo uu doonayo in hawshaas looga dambeeyo ciidanka booliska Soomaaliya, si waafqasan heshiiskii 17-ka Sebtembar

Dhanka kale, Taliyaha booliska Soomaaliya, janaraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Talaadadii sheegay in ilaa iyo hadda aanay heyn liisaska dadka ka qeybgalaya doorashada guddoonka Golaha Shacabka isla markaana ay aheyd in liisaskaas loo soo gudbiyo maalin ama labo maalin ka hor.

Wuxuu ku taliyay in doorashada dib loo dhigo maadama aanan loo soo gudbin liiska dadkii ka qeybgeli lahaa.

“Liiska lamana keenin wax aan hayno ma lahan, taas waxay i tuseysaa in aan anagu ka boolis ahaan mas’uuliyadda amniga ee doorashada aanan damaanad qaadi karin , taladeenuna waxaa weeyee in dib loo dhigo sabahaa awgood iyo amngi dartii” ayuu yiri Janaraal Cabdi Xasan Xijaar.

Wax yar ka dib, warqad kasoo baxay wasiirka amniga, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayuu ku sheegay in uu shaqada ka joojiyay taliyaha booliska oo uu ku eedeeyay in uu faragelin ku hayo doorashada isla markaana uu isku dayay in uu hor istaago doorashada guddoonka Golaha Shacabka, sidaa darteed, wuxuu sheegay in taliye ku xigeenka booliska uu shaqada sii wadi doono.

Sida ay BBC-da ogaatay waxaa hadda amniga sugaya oo goobta ku sugan Ciidamada Mikdowga Afrika ee ATMIS iyo Ciidmo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media