Daroonnada Turkiga oo sameeyey weerar uu aad uga xumaaday oo yax yax badan geliyey Ruushka

0

(Hadalsame) 27 Abriil 2022 – Daroonnada Turkish-ku siiyey dalka Ukraine ayaa loo adeegsadey duqayn loo gaystey kayd shidaal oo ku yaalla bartamaha Ruushka Isniintii, taasoo ah arrin bahdil ku noqotay daafaca cirka Ruushka.

Qof arrintan la socdey ayaa Middle East Eye u sheegay in daroonnada Turkish-sameega ah ee TB2 Bayraktar loo adeegsadey weerarkan oo ka dhacay Bryansk, taasoo ah magaalo yar oo 370km koonfurta kaga beegan Moscow.

In kasta oo Ukraine la rumaysan yahay in ay ka dambaysay weerar helikobter ah oo kan la mid ah 1-dii Abriil kaasoo lagu qaaday kaydka shidaalka ee Belgorod, weerarkan u dambeeyay waxa uu ahaa mid aad muhiim u ah sababtoo ah waxa ay ku guulaysteen in ay ka gudbaan difaaca hawada Ruushka oo ay duusho ugu yaraan 150km gudaha dhulka Ruushka.

Warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay inuu dab qabsaday kaydkan shidaal ee Bryansk oo ay ku jireen in ka badan 10,000 oo tan oo shidaal ah. Magaaladan ayaa ah meesha ay sahayda ka qaataan Ciidamada Ruushka ee ka dagaallamaya Ukraine.

Stijn Mitzer, oo ah khabiir ku xeel dheer ciidamada oo ka tirsan baloogga Oryx, ayaa MEE u sheegay in weerarkan TB2 Bayraktar uu yahay mid ay aad ula dheceen Ukraine xitaa haddii aysan soo gudbin wax sawirro ah.

Ruushka oo ay si ahaan Turkiga iskugu fiican yihiin ayaan tadawurkan soo dhowayn doonin, tiiyoo ay weliba jirto akhbaar sheegaysa in Turkigu uu nooc cusub oo TB2 ah dhowaan u daabulay Ukraine.

Hadalsame Media