Doorashada oo socota iyo sida loo maareeyey xildhibaannadii lagu muransanaa?!

0

(Muqdisho) 27 Abriil 2022 – Waxaa haatan socota doorashada Guddoonka Baarlamanka kaddib muran dheer oo ilaa xalay soconayey.

MAXAA LAGA YEELAY XILDHIBAANNADII? Xildhibaanadii lagu soo doortay Ceel Waaq gudaha ayaa ku jiraan, yeelkeede inkasta oo lagu daray tirada haatan fadhida Golaha Shacabka, haddana ma codaynayaan, waayo ma haystaan kaararkii ay ku codayn lahaayeen, sida uu sheegayo Xasan Cadde oo goobta jooga.

Dhanka kale, Xildhibaannadi Garbaharreey iyagu goobtaba ma joogaan, balse go’aan ka gaarista labada dhinac waxaa ay u oolli doontaa Gudoonka cusub ee Aqalka Hoose ee caawa la dooranayo.

Si kastaba, wax kasta waxay kala caddaan doonaan maalmaha soo aaddan, balse waa ishaaro wanaagsan inay doorashadu bilaabatay iyadoo aysan dhibaato dhicin.

Hadalsame Media